Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay, Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay, Reer Gabilay-na Midbaan leeyahay.

0
Monday September 19, 2022 - 09:35:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay, Madaxweyne Muuse Midbaan leeyahay, Reer Gabilay-na Midbaan leeyahay.

    Qaybta 1aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybta 1aad.

 

Waxa Qoomiyad iyo Qaran lagu yahay in mar walba laysku Tol-naado, oo Dood Aragtiyeed la wadaago oo hadii qalooc jiro  lays qabto oo lays Qummiyo, Hadii wanaag iyo toosnaan jirtana lays dhinac joogsado oo laysku Hanbalyeeyo, oo wanaaga iyo samaanta laysla dhaabo layskuna dhiirigeliyo. Iyada oo taasi jirto ayey Ummad iyana Sooyaalka Taariikh Dhacdooyinka soo mara ay u diwaan gashadaan si ay u daraasadeeyaan jiilasha danbe, oo uguna cimro qaataan, hadii ay samaan iyo waxtar mid leh tahayna uga dab-qaataan oo ay u noqoto mid ay ku dayasho Duullaan, Sidoo kale way Haboon tahay in wax layska waydiiyo dhacdooyinka dhaca oo la falanqeeyo lana qaadaa-dhigo, waana ta aniguna khadka Qalinka u daray in aan Ka Qoraal tiraabo, dhacdooyinkii dhawaan dhacay ee Dhibta, Dhaawaca, Dhiig-baxa iyo Dhimashada gaystay, ee Jeel Haween ku gurkuna uu Dheeraa, ee weli cidna eedeeda lagu dhaabin oo dhibtu siday ku timi iyo cidda ku eedaysan weli aan meel lagu moosin,

 

 

 

Bal Markaa:-. Wasiir Maxamed Midbaan leeyahay. Mudane Maxamed Kaahin Axmed wasiirka Arimaha gudaha ee Jamhuuriyada Barakaysan, Mudane Wasiir Maxamadow waxa aad tahay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Qaran ee Kulmiye, iyo Wasiirka arimaha gudaha ee Jamhuuriyada barakaysan, hadii isbarbar dhig lagu sameeyo faraqa u dhaxeeya xadiga Dadweynaha tiro ahaan, ee labada xil ee aad u Cummaamadan tahay hoostaga, ta Xisbi iyo ta Qaran, waxa la odhan karaa, hadii aynu ka duulno cod-bixintii Baarlamaanka iyo Golayaasha deegaanka ee ugu danbeeyey, waa Saddex meellood meel ahaan (), inta tirada bulshada Dalka ee Xisbi ahaan aad Gudoomiye ku xigeen u tahay, inta aadan u ahayn Gudoomiye ku xigeena Waa Saddex meelood Laba meelood (), halka se aad 100% shacabka Dalka aad u tahay Wasiirka arimaha gudaha!. Mudane Wasiir Mar hadii aad tahay Wasiir qaran waxa haboonayd in aad Cummaamada Xisbiga Cid garabka u saarto, Maxaa yeeley ruux xil suldaan loogu caano shubay, oo hadana layidhaah waxaanad tahay caaqilka Jifadaa hoose, ayey la Hal maalay-saa xillalka aad u igmantahay, iyada oo aad u muuqanayso xillalka kala mansabka sareeya, ee kala meeqaamka ah ee aad guudka u ridatay oo lagu masayn karo mid la Hal maal ah, Beerka jecli xaydha jecli, iyo in aad Godob hoysato inaad u badhaydhay, waayo shacab-weynow xilbaan idiin hayaa, intaa yar ee idinka midka ahna xil gaar ah ayaan u hayaa oo iyagu Mudnaan dheeraad ah ayey shacabka badankooda dheer yihiin weeye!,

 

 

 

se midhaa Dhanka aad ka joogto iyo dhinaca aan ka qooraansanayaa isku dhugasho maaha Mudane?!. Mudane wasiir waxa ay ahayd 11-8-22 Maalintii loo qoondeeyey Iskusoo bixii nabdoonaa ee fasaxa ruqsada Wasiir aad adigu u saxeexday ee aad bixisay, inay qabtaan Xisbiyada isbahaystay ee Wadani iyo Ucid, Iskusoo baxaa oo Mudane adiga Wasiirka arimaha gudaha ahaan aad ka war haysay, oo aad weliba u qoondaysay Goobta iyo goorta uu ka dhacaayo, subax nimada, hadana habeenimadii 10-8-22 goor Doob ah ama cawaysin danbe ah ayaad lasoo oogsatay shir war isgaadhsiin aad warbaahinta la wadaagtay oo aad war-gelisay in aad qabqabateen Ciidamo argagixiso ah oo Xamar ka yimid oo maaganaa in ay Iskusoo baxa dhex qaadaan oo waxyeelo u gaystaan shacabka Iskusoo baxa samaynaaya, iyo inay kuna han-weyn yihiin inay dhib iyo aafo waxyeelo leh u gaystaan shacabka iyo dalkeena!. Waa sida hadalkaagu Wasiir u dhignaaye!, waxa kale oo hadalkaaga Mudane Wasiir Maxamed sii raacsanaa in argagixisada la qabtay ahaayeen kuwo Xisbiyada Qaranka ee Jamhuuriyada barakaysan ee Wadani iyo Ucid Gacan-Saar lahaayeen, oo weliba Xisbiyadaa qaran ee muujinaaya gudashada xuquuqda dastuuriga ah ee ay ku cabirayaan dareenkooda, in ay wax yeelo u gaystaan Xisbiyada Qaranku taageerayaashooda, Iskusoo baxaaya ee ah Xisbiyada qaranku baalashii ay ku duulayeen iyo addimadii ay ku soxonayeen!,

 

 

 

Runtii wax Caqli-Gal ah maaha in Xisbiyo Qaran ay ka dalbadaan shacabka Taageero Hill-Qaran, oo Iskusoo bax kaalaya Sameeya aad taageero noogu muujinaysaan, Hoostana waxaanu idinla maaganahay in aanu argagexiro idin Gummaada idiin qoyndaynee!, wax Ruux caqli TAAM leh keeni karo maaha, Af masuulna wax kasoo yeedhi kara maaha!. Sikastaba ha ahaatee Afka Wasiirka arimaha gudaha oo weliba ku baanay inuu ahaa Dhiidhaadii keli taliyihii macangaga ahaa ee laga xoreeyey Dalka! Waa sida uu Mudane Maxamed Kaahin uu habeenkaa goobta ka sheegtay, ee Hadaba waa sheegaa ma dhaafto arinkuye Mudane Wasiir Argagixisadii meeday?, Maxaa se maxkamada loo hor keeni waayey?, Mise cabsi-gelin iyo argagax-gelin iyo xasilooni-Daro aad Dadka Wasiirka u tahay aad ku abuuraysay ayey ahayd?, ma mid Dalka aad Wasiirka ka tahay aad Sumcad-Xumo aad ugu samaynayso ayey kaa ahayd?. Mudane Masuul qaran ayaad tahay xil mug iyo miisaan leh Dalka u haya sidaa aawadeed hadii aad ku kacday adigii masuulka ahaa  in aad Sumcad xumo iyo argagax Dalka aad ka abuurto waa meel ka dhac waxaana kugu WAAJIB ah ISCASILAAD!, waayo adiga oo ku magacaaban Wasiirkii arimaha gudaha ayaad Dalka oo Nabdoon ayaad ku dhawaaqday in Caasimadii Qaranka Jamhuuriyada Barakaysan Col gudaha usoo galay si ay u gumaadaan shacabka!, mise Xaq-duudsiin ayey kaa ahayd shacabka aad Wasiirka u tahay xuquuqdooda dastuuriga ah inaad ka laasho oo aad cabsi-gelin kaga daadafayso ayaad Doonaysay,

 

 

 

Taasi iyana waa Danbi aad shacabka iyo Qarankooda ka wada Gashay Mudane. Hadal iyo dhamaan Mudane Maxamed Kaahin Axmedow Midda aan ku leeyahay waa Mudane Cadayntii halkii ay ka yimaadeen iyo cida soo Waariday iyo Argagixisadii laftoodii aad Gacanta ku dhigtay ee aad la oogsaday Habeenkii 10-8-22 Fadlan Sharciga iyo Shacabka HOR-KEEN, hadii kale Iscasil Mudane Shacabkii kaa Aamin baxye!. Qawl-Laawe waa Diin-Laawe!.

 

 

 

Fu’ad Fartaag

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...