Muuse Doorasho Ma Ogola. By Naaleeye

0
Monday September 19, 2022 - 09:04:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Doorasho Ma Ogola. By Naaleeye

    15 November kadib, Muuse Madaxweyne ma aha, waxa loogu yeedhayaa kaligii taliye Muuse Gaashaanle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

15 November kadib, Muuse Madaxweyne ma aha, waxa loogu yeedhayaa kaligii taliye Muuse Gaashaanle.


Muuse doorasho ma galayo, sababtoo ah wuu ogyahay inaanu heleyn codka shacabka

 

Haddii la gaadho 15 ka November iyadoo aan heshiis la gaadhin Muuse Madaxweyne loogu yeedhi maayo, darejo kasta uu maanta sito wuu luminayaa tii  Siyaad Barre siiyey mooyee oo ah Muuse gaashaanle.  Qofkii Muuse madaxweyne ugu yeedha wakhtigaas kadib wuxuu Muuse Gaashaanle la qeybsan doonaa dembi kasta uu dalka iyo dadka ka galo.



15 ka November kadib maxaa la gudboon xisbiyada mucaaridka iyo Shacabka reer Somaliland:-

 

1.Magaca kaliya ee loogu yeedhayaa Muuse, waa kaligii taliye Muuse Gaashaanle.

 

2.Mar haddii aanay  wakhtigaas xukuumad sharci ah dalka ka jirin, waa in ciidamada qaranku  aanay wax amar ah ka qaadan Muuse Gaashaanle iyo 2 da Korneyl ee talada la wadaaga (Kaahin iyo  Dabagale), khaasatan markay amraan in dadka la xasuuqo

 

3.Ciidanka qaranku  waa inay ka ilaaliyaan shacabka Cisaabadaha hubeysan ee dharka ciidanka gashan  ee ku dhex dhuumanaya ciidamada kala kuwan ee qaranka ee Muuse iyo kooxdiisu u adeegsadaan xasuuqa iyo jidh dilka shacabka. Waana inay qabtaan oo jeelasha ka buuxiyaan darajo  kasta oy sitaan.

 

4.Ciidamadu waa inay ooda ka soo qaadaan siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Muuse u afduuban ee jeelashiisa ka buuxa.   Gaar ahaan  waxa arrintaas xil gaar ahi ka saaranyey Ciidanka asluubta.

 

5.Shacabka reer Somaaliland waa inay ku caasiyaan xukuumad wakhtigeedii dhacay, laguna sameeyo amar diido go'aan kasta iyo amar kasta oo ka soo baxana aan  dheg jalaq loo siin.

 

6.Dhamaan shacabka iyo shaqaaluhu waa inay iska diidaan bixinta cashuurta ama Gibirka Muuse u adeegsado Hay'adahiisa xasuuqa iyo madax jebinta.

 

7.Beryahan  dembe waxaan ka maqleynay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka oo leh  waxaan sameyneynaa shir guud oo ummaddu masiirkeeda kaga tashaneyso, taladaas aniga  sax ilama aha, sabtoo ah Muuse waa dikteytar oo shirarkaas masiiriga ma qabsoomi karaan Muuse oo Madaxtooyada ka talinaya,  waayo  wuxuu helayaa ciidan u daacad ah oo wax u kharbuda, iyo  Hay'adihii dhaqaalaha oo wali gacantiisa ku dembeeya.

 

8.Sida kaliya ee kaligii  taliyuhu ku tagi karo waa habkii  uu ku tagay kaligii taliyihii  Sirilaanka.   Sidaas darteed, Axsaabta Mucaaradka, golayaasha xeer  dejinta, siyaasiyiinta damiirka leh, madax dhaqameedka iyo dhamaan wax garardka reer Somaliland wax looga baahanyey inay hogaamiyaan kacdoon shacab oo la mid ah kii Sirilaanka oo aan kala joogsi lahayn habeen iyo maalinba socda.

 

9.Dadka reer Somaliland waa inay taageero buuxda u muujiyaan isbedelka lagu badbaadinaayo dowladnimada iyo madax banaanida  dalka, isla markaasna looga xoreynayo kaligii taliye Muuse Gaashaanle.  Waa inay jidadka u soo baxaan oo habeenkii seexdaan wadooyinka iyo laamiyada magaalooyinka waaweyn iyo dagmooyinkaba illaa Muuse ka cararayo Madaxtooyada, kadibna lagu dhawaaqo  dowlad ku meel gaadh ah oo aminga hanata , dalkana doorasho gaadhsiisa.

Marna yaan lagu fakarin in shirar masiiri ah la qabto inta Muuse Madaxtooyada fadhiyo, sababtoo ah wuxuu mar kasta helayaa askar u daacad ah iyo dhaqaalihii qaranka oo uu wax ku dhibaateyn karo.

 

 10.Haddii kaligii taliye Muuse Gaashaanle iyo kooxdiisu isku dayaan inay amniga khalkhal galiyaan, waa in ciidamada qarranku jeelasha  ku hubsadaan oo maxkamad la soo taago.

 

11.Waa in il gaar ah lagu eegaa kuwa ka shaqeeya guriga  Muuse Gaashaanle  sida Gadhoose, Gaboose, Garruun, Odey Guhaad iyo kuwa kale oo dhamaantood garab iyo gaashaan u ah sidii  Muuse u noqon lahaa Boqor aan dhicin, Somalilandna Boqortooyo.   Kuwaas ummaddu waxay  u taqaanaa  (kitchen gods), Ku gabanaya wax la yidhaahdo  ururo furis, sidaas darteed,  waa in loo aqoonsado qas wadayaal, sharcigana la horgeeyo.

 

12.Wax badan waxaan afka Buuni ka maqalnay isagoo  leh Gudoomiye Xirsi, Gudoomiye Faysal iyo Musharax Cirro waxaa lagu booqan doonaa Xabsiga.  Arrintaas waxa iska cad in Buuni ka soo maqlay  meel ay ku sheekeysanayeen Col Muuse iyo kooxdiisu, inagoo og inaan Buuni cidna war u sheegan.  Sidaas  darteed, waa in arrinkaas  loo diyaar garoobo sidii loo difaaci lahaa Madaxdaas.

 

13. Somaliland waxay la ildarantay sixir barar, gaajo, cudur, cadaalad darro, kala qeybin, xasuuq, dhul boob, hanti boob, xukuumad jaahil ah iyo wax kasta oo Aadanaha dhiba

 

Sidaas darteed,  reer Somaliland waa inay u diyaar garoobaan halgan dheer oy iskaga tuurayaan  kaligii taliyaha,  waana inaan Marna Muuse iyo kooxdiisa loo aaneyn qabiil iyo qolo midna, waayo qabiil kasta wuxuu ka doortay  shakhsiyaad  isaga u adeega oo indho iyo dhego kale midna aan  lahayn.

 

Ugu dembeyntii waxa jirta xikmad caalamiya oo odhaneysa ” Haddii la diido in afka laga hadlo, waxaa imaneysa in gacanta laga hadlo ”.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...