Madaxweyne Rayaale Iyo Madaxeyne Siilanyo Siyasiyiintii Ay Ka Tageen Iyo Saamayntooda.

0
Monday September 19, 2022 - 08:58:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Rayaale Iyo Madaxeyne Siilanyo Siyasiyiintii Ay Ka Tageen Iyo Saamayntooda.

    W/Q: Prof. Mohamed Osman Dirane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Prof. Mohamed Osman Dirane


Madaxwyne Siilaanyo wuxu ka tagay saddex siyaasi oo uu isagu soo saaray kow Ina Biixi oo ah madaxweynihii isaga ka dhaxlay kursiga iyo Gudoomiye Xirsi xaaji Cali iyo Maxamuud xaashi oo ah gudoomiyaha urur siyadaedeedka Kaah.Saddexdooduba saamayn weyn ayey ku leeyihiin siyadadda SOMALILAND mid taban iyo mid toganba.

 

Madaxweyne Rayaale wuxu ka tagay Cali waran cadde oo xisbigii udub Cunay.Xisbigii UDUB oo ahaa  xisbigii ugu da,weynaa xisbiyada lama filayn inuu sidaa uga Baxo saaxadda siyaasadda.

 

Xisbiga udub Wakhtigaa 2011 wuxu ku lahaa golaha wakilada 30 xildhibaan oo markii uu meesha ka baxay kulmiye la wareegay.

 

Gobolada dalka mayorada isaga haystay ,xisbigu Gole dhexe iyo fulin ba wuu dhisnaa,hase yeeshe hogaankii uu Madaxeyne Rayaale ka tagay ayaa keenay guuldarada.

 

Madaxweyne Rayaale wuu garawsaday khaladkisi waxanu  Cali waran cadde ku canaantay inuu nin wasiir doonaya xisbi udub uga tagay.

 

Waxa haddaba Rayaale seegtay talo loo soo jeediyey oo ahayd inuu xisbiga ku wareejiyo Jamaal Cali xuseen iyo Cabdirashiid xasan mataan oo xataa ay isku seegeen Madaxweyne ku xigeenkisi Ahmed yasiin.

Wakhtigaa gobolada galbeedka Cigaal ilaa Rayaale xisbigoodu wuxu ahaa Udub.laakiin Gobolada bariga waxay lahayeen labada xisbi ee kale Kulmiye Habarjeclo,Garxajis Ucid iyo Wadani oo bedelay udub.

 

Hadii xisbiga udub hogaanka uqaban lahayeen Dr Jamaal iyo Cabdirashiid xasan mataan ma bubureen waayo tageeradii galbeedka oo dhan ayuu haystay.Waxana dhaci lahayd inaan Muse Biixi Madaxweyne noqdeen hadii ay Jamaal iyo cirro kula tartamaan madaxtooyada 2017.waxa dhici Kari lahayd in Cirro ama Jamaal oo Udub ah inu Bedelo Madaxweyne Siilaanyo.

 

Khaladkaa siyaasadeed ee Rayaale galay ee uu ku baabay xisbigii udub ayaa qayb ah dhibaatooyinka maanta taagan oo ay dhici karto inay SOMALILAND ku burburi karto hadaan xal loo helin khilaafka taagan.

 

Khilaafka taagan oo ah Ina biixi oo doonaya inu dalkan ka noqdo keligii Taliye aan sharci iyo doorasho mid ma ku dhaqmin.

Ugu dambaystii waxan Madaxweyne Rayaale ku la  talin lahaa  in aanu daawan dalkan buburaya ee kala sheego khaladka iyo saxa,khilaafka taagana uu talo ka soo jeediyo.Madaxeyne dalka cid waliba khilaafkan talo ka soo jeedisay si xal loogu helo.l

 

Madaxweyne kalmadaadu culays weyn bay leedahay inay wax badbaadisana waa suuragal ha ka amusine wax ka dheh sharci iyo talo intaba.

 

Prof. Mohamed Osman Dirane

Edmonton,  Canada.

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...