Maxaabiistii Ugu Horaysay Oo Loo Wareejiyey Xabsi Weyn Ee Laga Dhisay Magaalada Muqdisho.
Muqdisho(HWN):-Qaar ka mid ah maxaabiistii ku xidhnayd xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa loo wareejiyey jeel cusub oo dhawaan laga hirgeliyey Xamar.


Xabsiga loo wareejiyey maxaabiistan oo ah mid cusub oo dhawaan xadhiga laga jaray ka dib markii laga hirgeliyey xerada ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho ayaa loogu tala galay in culayska faraha badan ee maxaabiista lagaga yareeyo jeelka Muqdisho.
Xabsigan oo ah mid si casri ah loo dhisay ayaa loogu tala galay in adeegyo wanaagsan ay ka helaan maxaabiista lagu xidhaa isaga oo ah mid ka nolol wanaagsan xabsigii hore ee magaalada Muqdisho.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga cusub ee Muqdisho ee loogu tala galay in maxaabiista lagu xidho.
Xabsigan oo dhismihiisa qarash badan ku baxday ayaa si rasmi ah xadhiga looga jaray sanadkii hore, waxaana xabsigan dowlada Soomaaliya sheegtay in maxaabiista ku heli doonaan dhaqan celin iyo sidoo kale waxbarasho .


0 





