FAa'iidada Muhiimka Ah Ee Cunista Quraac Culus
Cunista quraac badan
iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen
cilmi-baareyaashu.
Markii ay
saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen
cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada
culus.
Kooxda Jaamacadda
Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid
ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.
Laakiin, rabitaankooda
cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista
quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka
cuntadiisa.
Cilmi-baareyaashu waxaa
kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee
cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya
kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.
Dadka cilmi barista ka
qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo
casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.
Waxay hal bil cunayeen
quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad kala
bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka
bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.
Dheef-shiidka dadka
ayaa si sax ah loo cabbiray iyadoo la adeegsanayo biyo ka culus biyaha caadiga
ah, kuwaas oo si fudud loola socon karo marka ay jirka ka baxayaan.
Natiijooyinka, oo lagu
daabacay joornaalka Cell Metabolism, ayaa lagu ogaaday in wakhtiga cuntada
culus ay cunayeen aanay wax farqi ah jirin, gaar ahaan inta kaloori ee uu jirku
gubay, heerka dheef-shiidka kiimikaadka ama miisaanka qofka ka dhacay.
Farqiga ugu muhiimsan
wuxuu ahaa rabitaanka cuntada ama heerka gaajada, kaas oo lagu xakameynayay
quraacda culus.
Prof Alexandra
Johnstone waxa ay sheegtay in ay u badan tahay in cilmi-baaristan ay muhiim u
tahay dunida, gaar ahaan marka laga hadlayo caddadka cuntada ee uu qofka
cunayo.
Waxay tiri:
"Daraasaddu waxay soo jeedineysaa, xakamaynta rabitaanka cuntada, iyo
cunista quraacda culus.
"Haddii aad
maalintaada ku billaabi karto quraac culus oo caafimaad leh, waxaad u badan
tahay inaad ilaaliso heerarka dhaqdhaqaaqa jireed oo aad ilaaliso xakamaynta
rabitaanka cuntada inta ka harsan maalinta."
Quraacda daraasadda
lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa maraqa, caano fadhi ah, ukun, iyo
sausages, waxayna dhammaan ka koobnaayeen borotiinno badan oo dadka ka caawiya
inay dareemaan dhereg.
Ma cadda sababta
quraacda culus ay hoos ugu dhigto rabitaanka cuntada. Cilmi-baareyaashu waxay
sheegeen inay aad uga dhib badan tahay marka loo eego caloosha oo buuxda
subaxdii kaddibna la seexdo marka ay maran tahay.
BBC