Qawda Maqashii Waxna Haw Qaban Qashinka Urta Caasimada Jsl
uma qodna ee olole nadaafadeed oo madaxwaynaha jsl muse bixi abdi uu iclaamiyo bishiiba hal mar si shacbiga ku nool caasimada hargeisa ay uga qayb qaatan dhamaan maalintaa qashin ururinta
Hargeisa meeday bilicdii iyo quruxdii caasimad lagu yiqiinay
Ma qadhmuunkan iyo qashinkan ayaa u dambeeyey caasimadii jsl
Qawada maqaashii waxna ha u qaban waa astaanta waxqabad ee lagu garto dawlada hoose ee hargeisa foolxumada qashinka buux dhaafiyey wadooyinka caasimada hargeisa biyo fadhiisinada laagaha qashinku xidhay halista ay ku sugan yihiin dadwaynaha ku nool caasimada waqtiga xili roobaadka dhis burbur iyo cuduro qashinka ka dilaacaya dhaqso mee baaqi madaxwaynaha jsl uu ku amray moyarka iyo gudida bilicda dawlada hoose in wax laga qabto ……..
Dumsites ceespoll goobaha qashin qubka qashinka bulaacadaha oo ay dhaaftay qorshahii magaalooyinka dhiska iyo deeganka godadkii loogu talo galay oo buuxsamay hada qashinkii oo dul iyo hareero hoganaaya buuraha hareeraha biyo mareenada ur fayadhowr xumo dul hoganaysamaamulada dawlada hoose ma jiro qorshe waxqabad iyadoo xili roobadka ay qarka u saaran yahiin halis caafimaad oo ka timaada waxyeelada qashinkaas
Waxa si khaldan loo maamulay qashin qaadistii iyo shirkadihii oo aan aqoon u lahayn ujeedada qashin ururinta iyo waxyeelada caafimaad daro ee ka iman karta oo u baahan in la darso
Xogta heerka waxqabad ee shirkadaha maaraynta qashinka magaaloyinka iyo fahan aqoon la anta dawlada hoose ee dalku ujeedada iyo hatafka ka dambeeya mashruuca ppp public private partnership ee maraaynta qashinka shirkadaha iyo dawlada hoose
2005 ayey ahayd markii mashruucan lagaga wareejiyey dawlada hoose ee dalka ujeedadu ma aha in qashinka laga saaro caasimada laguna daadiyo meel ka fog magaalada
Sida uu dhigayo heshiiska shirkadaha qashinka lagu wareejiyey in ay dardar galiyaan shaqadooda nadaafadeed ilaa heer ay kor u qaadayan horumarkooda dhaqaale si loo abuuro nidaam heer qashinka looga faaidaysanayo oo leh shaqo abuur baahsan iyagoo raacaya kuna dhaqmaya sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka qashinka
Si loo sameeyo goobaha weelka qashinka dustpin ee jidadka caasimada in lagu wacyi galiyo loona sheego bulshada in aan qashin lagu tuurinmeel aan loogu talo galin
Sidoo kale in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galaan shirkadaha la wareegay maaraynta qashinka magaaloyinka hawshooda shaqo ee lagu siiyey qandaraaska shirkadii kazoo bixi waydashaqadeeda in maamulka dawlada hoose ay badaalan una soo bandhigaan qaadashoshirkado buuxinaya qodobada heeshiisku dhigayo ma aha in ay heshiis xaaran iyo laalush shaqo ay ku heshiiyan moyarada dalka iyo maamuladashirkadaha
Waxa suurto gashay in dhaqaale abuur xoogan uu ka soo xaroodo dadwaynaha ku nool magaalooyinka dalka oo shirkadaha ay ku bixiyaan guri kasta 5 doolar oo ah kharashka qaadistaqashinka
Ma jirto horumar xirfad aqooneed oo ay la yimaadeen maamulka shirkadaha maaraynta qashinka sidoo kale waxa qashinka lagu ururiyaa gaadiid daalay oo aan la isku halayn karayn badbaado iyo km socod
Gadiidkas oo u badan gawaadhi dhayne ah af banana xiliga qashin rarista qashinkaas oo ku daata jidadka caasimadaha dalka
Ma jirto daryeel caafimaad oo lagula socdo caafimaad qabka shaqaalaha ka howl gala shirkadaha oo la siiyo mushahar aan ugu filnaynshaqada qashinka ururinya ma jirtotoosin iyo tusaale caafimaad sida ay uga badbaadi lahaayeen qashinka iyo howlihiisa shaqo ama qalab shirkaduhu ay u siiyanin ay ka xidhaan waxyeelada caafiimad ee qashin ururinta
Shirkadaha waxa ku soo xarooda dhaqaale kor u dhaafay milon dollar oo dadwaynahu ay kaga qayb qaatan qashin ururinta magaaloyinka dalka ma jirto hubin xisaabin waxqabad ee dakhligaas
Qashinka cusbitaalada iyo pharmasiyada qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo loo baahan yahay in loo maamulo sifo sharci oo gaara waxa si fudud loogu dhex daray qashinkii caadiga ahaa ee kazoo baxayey magaaloyinka dalka waxa dhacay sumow iyo halis waxyeelo caafimaad ee bulshada iyo deegaanka waxa dhacda in qashinkaas marmarka qaar lagudhex gubo goobaha qashin qubka ee dump sites oo hada ay dhaafeen dhiskii iyo deegaankii magaaloyinka dalka
Qashinka hadhaaga suntan warshadaha oo aan loo maamulin nidaam taxadir sharci fayadhowr waxa uu sababaa in daadka biyaha roobka ay soo raacdo suntu oo ay biyahi si toos ah ugu dhacaan ceelasha iyo harooyinka aynu ka helo biyaha aynu isticmaalo khatartan caafiimad waxay dhaxalsiisay in ay soo gaadho bulshadii cuduro sababacaafimaad daro iyo dhimasho xoogan
Foostooyinka suntan warshadaha laga isticmaalay oo aad ku arkaysid magaaloyinka dalka iyagoo biyo keydin cabis ama dhiska guryaha loo isticmaalayo fahan la an ka haysata bulshada danyarta dadka aan haysan dhaqaale lacageed oo ay ku bixiyaan qashin qaadista guryahoodu waxa si fudud ugu daadiyaan jidadka iyo biyo mareenada caasimada oo keeni kara fayadhowr xumo iyo dhibaato deegan xumo
Waxa sidoo kale ama dhacda in qashinka ay ku gubaan meel aan ka fogayn guryahooda ma jiro qorshe hoos loogu eego arimahaas ilaa moyarada dalka
Waxaad aragtaan qashinka oo daadsan jidadka caasimada waqti ay bulshadii adeeganayaa kuna guda jiraanshaqooyinkoodi gaarka oo subaxnimoma jirto la xisaabtan iyo maamul dawladeed oo ku wajahan dhaliisha shaqo ee shirkadaha
Waxa meesha ka baxday wada shaqaynta shirkadaha iyo qaybaha arimaha bulshada si loo horumariyo qurxinta bilicda iyo nadaafada jidadka caasimada ma jirto wacyi galinfayadhawr ee shacbiga
Waxaad arkaysa iyadoo 9 fiidnimo ay qaadayaan bulaacadaha booyadaha waqtiyo caways ah oo dadku ay ku guda jiraan shaqooyinkoodi gadiidka booyadaha oo aanay dawlada hoose la soconwaqtiga ay qaadayan iyo goobta ay gaynayaan
Waxa kale oo aad arkaysa isla 9 fiidnimo huteelada cuntada oo biyahii wasakhda ee kaydka ahaa ku daadinaya jidadka caasimadaiyadoo aanay jirin qorshe fayadhowr oo lagula socdo shaqadooda gaarka ah
WQ: Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
0634130821
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!