'' Somaliland Ma Heli Kartaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Monday June 10, 2019 - 14:27:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Somaliland Ma Heli Kartaa ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Somaliland uma baahna madaxwayne keliya ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland uma baahna madaxwayne keliya ,

waayo kolayba madaxwayne ayuun baa jooga oo marnaba madaxwayne la'aan mayso .


Somaliland uma baahna Xisbiyo ka adag is eedayn iyo is eryasho aan aqoon iyo ilbaxnimo uga hoosaysaa jirin .

Somaliland uma baahna siyaasi isagoo maqaaxi ka sheekaynaya Tv ka daldalma isagoo aan wax macna leh oo uu ka hadlayaana aanu jirin .



Somaliland uma baahna qarnigii 21 aad , qof subax waliba u kalaha huteel iyo hadal oo intuu cummaamad qaato yidhaahda Suldaan baan ahay iyo madax dhaqameed isago aan shaqo kale lahayn .

Somaliland maanta waxay u baahantahay aqoon yahan dhaba , aqoon yahan aragti dheer , aqoon yahan ujeedadiisu tahay in uu jeexo dariiq dalkiisu raaco si uu u gaadho himiladda uu hiigsanayo .


Waa kuma aqoon yahankaasi .


Wadanka Turkiggu wuxuu jilbaha u dhacay sanaddii 1913 kii , ilaa waagaasna wuxuu ahaa wadan aan wax saamayna Aduunyadda ku lahayn la iskana ilaabay , kaasoo aan cidina ku xisaabtamin .


hasa yeeshee Ilaahay wuxuu ku galaday ninka sawirkan ka muuqda oo la yidhaahdo Dr Ahmet Davutoğlu , ninkaas oo ah, Ruug-cadaa aqoon yahan ,xeel-dheere cilmigu biyo dhigay iyo Diplomacy waayo araga ahaa , guusha iyo soo noqoshada wadanka Turkigu gaadhayna waa ninkan ninka u sababta ihi .


Muxuu sameeyey Ahmet Davutoğlu ?

Ahmet Davutoğlu sanaddii 2002 , wuxuu qoray Buuga loo yaqaano Tubta siyaasadda arrimaha dabadda ee turkigga , Buugaas oo uu bixiyey Stratejik Derinlik ( Strategic dept ) Buugaas oo uu kusoo koobay dariiqadda siyaasadeed ee Turkiggu ku dhaqmayo , himiladiisana ku gaadhayo .


Buugani oo uu fuliyey Xisbigiisa AK Party , waxaa sal-dhig u ah in Turkiga oo ku yaala meel Istaraaji ah oo dad ahaan iyo dal ahaanba aduunyadda isku xidhaa uu ka faaidaysto Stragiyada , dhaqaalaha , Dadka iyo Dalka alle siiyey , isagoo u maraya raacista wadiiqada nin doorkani u jeexay .


Stragiyadda ninkani qeexay waxaa ka mida xoojinta saamaynta Turkigu ku leeyahay 3 bogcadood ee uu kulmiiyo kuwaasoo kala ah , Gobolka Barriga dhexe , Gobolka Balkans ka iyo Gobolka Aasiyadda yar , aragtidaas oo Turkigu kagga maarmay raadintii ka mid noqoshadda midowga Yurub .


Dhinaca kale , aragtidani waxay xambaarsantahay aragti nuxurkeedu yahay in Turkigu ku dhaqmo siyaasad arrimo dabadeed oo macnaheedu yahay ogaansho iyo ka hortagis ,halkii uu ka sugi lahaa ku go'aan qaadashadda dhacdooyinka iyo wax ka qabashadooda .


Ugu danbayn sanadii 2010 Dr Ahmet Davuloglu waxaa loo aqoonsaday in uu yahay mid ka midda 10 qof ee Aduunyada ugu fikirka iyo aqoonta badan ( Think think ) , si kastaba ha ahaatee waxaa is waydiinle , Somaliland ma heli kartaa aqoon yahankan oo kale .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...