Somaliland: Danab ku dhacay qoys 7 qof ka kooban

0
Thursday September 15, 2022 - 12:00:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Danab ku dhacay qoys 7 qof ka kooban

    Danabkan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay ka da'ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danabkan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay ka da'ay



Hal qof ayaa dhintay 2 kalena dhaawac ayaa ka soo gaadhay kadib markii uu danab ku dhacay qoys 7 qof ka koobnaa oo ku dhaqan deegaan u dhexeeya magaalooyinka Oodwayne Iyo Xaaxi ee Somaliland.


 

Danabkan oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay gobolka Daad-madheedh, ayaa sababay dhimashada hooyadii qoyska, isagoona dhaawacay 2 caruura sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Oodwayne Dr. Mustafe Maxamed Biixi.



 

"Waxa la inoo keenay dad dhimasho iyo dhaawacba leh, oo ay sababtay raxmada Eebbe, kuwaasi oo uu ku dhacay danab, Alle ha u naxariisto, 1 qof ayaa ku dhintay oo ah hooyadii reerka, oo la odhan jiray Nimco Maxamuud Muuse, waxa dhaawaca 2 caruura oo ay iyadu dhashay, 2-da caruurta ah oo midi imika uu miyir laayahay” ayuu yidhi Biixi.


 

Agaasime Biixi waxa uu sheegay in goobtii mashaqadu ka dhacday lagaga yimid 3 caruura iyo aabahood, kuwaasi oo jira da’da 2, 8 sanno iyo 10 sanno, waxa uu sheegay in xaaladoodu dagantahay hada lakiin isbitaalka la keenayo si xaaladooda loola socda.


 

Madaxda gobolka Daad-madheedh iyo degmada Oodwayne ayaa Alle uga baryay in uu hooyada dhimatay jannadii Fardowsa ka waraabiyo, isla markaana uu u boogo dhayo labada caruura ee dhaawaca ah.

Loading...
Loading...