Ku Dayo Horumarka Ethiopia. Qalinkii Axmed-xiis Dharbaan
PINE waxa losoo gaabiyaa waddamo uu ka socdo kobac dhaqaalle oo isu dhaw dhaw waana: Phillipines, Indonisia, Nigeria iyo EThiopia
Afrika markii ay 50 sano daawanaysay afarta shabeel ee Asia - Thaiwan, Hong Kong, Singapore iyo South South Korea - doorka ay ka heleyeen dhaqaallaha Aadduunka, hadda waxa muuqata qaariddii in ay qayb ka helleyso dhaqaalaha caalamka.
Shir ka dhacay 2014kii Abuja oo lagaga hadlayey dhaqaalaha Afrika, waxa gabi-ahaanba shirkaas qabsaaday siyaasada warshadaha ee Ethiopia.
Kobaca dhaqaale ee Ethiopia waxa loo nisbeeyo SOLID MANAGEMENT, haddana dhacdooyin yaryar oo mucjiso ah aynu ku fiiqno farta.
Ethiopia waxa ay yaraysay da'dii ay dadkeenu ku dhimman jireen 15 sano - 1992kii isku celcelis Ethiopianka ayaa ku dhimman jiray 48 halka 2012kii la shaaciyey isku celcelis in Ethiopiyaanku ay ku geeriyoodaan 63. Saboolnimadii ayaa ayy dhimmeen kala badh.
Tuuladda Ziwa waxa ay xarun u tahay shirkada CASTEL oo samaysa khamriga - Wine. Shirkadaa waxa u shaqeeya 750 qof. Shirkadaasi waxa ay mar labaad Ziwa ka kicisay faracyo sameeya khamriga loo yaqaan biirka. Laamahaa waxa ka shaqeeya kumanaan kale. 2014kii markii la furayey shirkada Haila Mariam waxa uu sheegay, yoolkoodu in uu yahay waddanka ugu khamri soo saarka badan Afrika - Khamriga ayaa loo dhoofiyaa caalamka.
Ziwa waxa ku yaal beerta ugu wayn ee soo saarta ubaxa. 10k oo qof ayaa ka shaqa-gala; sanadihii kowaadba waxa ay samaysay $1b oo macaash ah.
Jidka Addis waxa ku yaala ZONE ay dhiseen Shiinuhu oo loo bixiyey aagga warshadaha - waxa ka shaqo gala 50k ruux. Bakharada iyo daabulka ka socda madaxaaga ayaa diidaya.
Sharaa'iga ku yaal aaggaas waxa ka mida Huajian Group. HG waa shirkadda ugu wayn caalamka ee samaysa kabaha dumarka - 30k oo qof baa u shaqaynayey 2014, hadafkooduna waa boqolaal kun oo kale in ay ka hoos macashaan.
Unilever shirkada la yidhaa baa ka midda aaggaas sharaa'iga ku yaala. Shirkad samaysa dharka oo Turkey ah, 8k oo ruux ayaa ay aheyeen shaqaallaheeda 2014kii.
Pittards oo UK laga leeyahay goobtaas baa ay deggen tahay, waxa ay samaysaa GLOVES loo raro shirkadda Well Lemont ee uu leeyahay Warren Buffet.
Waddada tareenada ee lixda haad ah ee isku xidha Jibouti iyo Addis, waa nooc aan hore loogu arag Afrika. Laammiga Addis-Adama wuu ka casrisan yahay jidadka Scandenevianska - lacagta lagu dhisay laamigaasi waa jeebkooda! Waxaba waxa dheer dhaamka biya qabatinka ah ee Ethiopia, waa kan ugu wayn Afrika.
Deborah Brautigam oo wax ku qorta Guardian, waxa ay leedahay intii galbeedku ay lahayeen macaluusha Ethipia wax halaga qabto, China waxa uu ka macaashayey ganacsiga xadhkaha goostay ee Abyssinia ka hirgalay.
Diplomaasi Aasiya u dhashay oo sababaynayey horumarka Ethiopia waxa uu ku ururiyey laba qodob:
1. Xasilooni siyaasadeed2. Dariiq horumarineed oo dawladu tageertay
Galbeedbeedku waxa ay waligood su'aal galinayeen horumarka Ethiopia ee ka raran dhanka dawlada, iyaga oo galbeedku mar walba la shir immanayey ganacsiga xorta ah hala furfuro.
Dawlada Ethiopia oo Afrikada kale kaga duwan siyaasada warshada ku dhisan, waxa bilawgii saluugay siyaasaddeeda haayada UNta - UNCTAD iyo UNIDA. Justin Lin waagii uu fadhiyey World Bank, waxa uu yidhi: Warshaduhu ma aha dariiq bedeli kara dhaqaalaha Ethiopia! Ethiopia dhag jalaq umma ay siin talada UNta. haayadihii diidanaa warshaduhuna 2014kii ayaa ay bedeleen aragtidii hore.
F.G. laba fariimood ayaa qoraalkan u qarsoon
1. Siyaasiga Somaliland waxa uu ku celceliyaa boqol malyuun baanu rabnaa in ay Berbera wax kala soo dagaan. Qoraalkan waxa uu ina leeyahay Ethiopia waa waddan wax dhoofiya.
2. Horumarka Ethiopia waxa dhiirigalisay xukumadda waddanka. Somaliland maxa ay u qabteen ganacsatada xorta ahi?
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!