Loollanka Deegaamaysan Ee Ka Dhex-jira Kaah iyo Kulmiye.

0
Wednesday September 14, 2022 - 07:51:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Loollanka Deegaamaysan Ee Ka Dhex-jira Kaah iyo Kulmiye.

    "Xubaha xisbiga Kulmiye boos ka waaya ama aan ku qancin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xubaha xisbiga Kulmiye boos ka waaya ama aan ku qancin"


Arrimaha deegaanka ku sallaysan ee ururka Kaah iyo Xisbiga Kulmiye waxa lagu soo koobi karaa arrimahan hoose:


= Beesha Bariga Burco waxa ay ciyaaraysaa laba ciyaar siyaasadeed oo kala horreeya. Ta koowaad, waa inay xisbiga Kulmiye uu madaxweynuhu guddoomiyaha ku soo wareejiyo ka hor inta aan loo codeyn ururradda cusub. Ta labaadna, waa haddii ay dhici weydo inay helaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye inay taasi beddelkaada u codeeyaan ururka Kaah.



= Xubaha xisbiga Kulmiye boos ka waaya ama aan ku qancin siday wax u socdaan ayaa iska xaadiriya ururka Kaah, markaad halkaasi ka eegto waa Kaah waa beddelka Kulmiye ee shakhsiyaadka.


= Guddoomiyaha Kaah Maxamuud Xaashi intuu hayey xilalka wasiirnimo ee dawladdii Siillaanyo ayuu dad badan oo ku sugan gobollada Soomaalilaan abaal sii gashaday, waana ta maanta u shaqaysay ee keentay inuu nin kasta oo uu sii maalgashaday uu iska soo xaadiriyo taageerada ururkiisa.


 

W/Q: Cali Cabdi Coomay.

 


Loading...
Loading...