Maxaan Ka Baran Karnaa Doorashada Dalka Kenya
Date: 09 09 2022
Kenya waxaa ka
qabsoomay doorashoyin isku sidkan 9 kii August sanadkan 2022 , Codbixiyayaashu
waxay doorteen madaxweynaha, xubnaha baarlamaanka qaranka iyo senate-ka,
guddoomiyeyaasha gobollada Kenya iyo xubnaha 47-ka gole ee Kenya.
Dorashada madaxwaynaha
waxa ku tartamayay Raila odinga o ahaa raysal wasarihi hore e dalka 4 jeer o
horana soo tartamay iyo ninka ahaa madaxwanye ku xigeenka dalka muddo dhan 10
sano ah oo u xilka la hayay madaxwanaha xilka ka dagayay ee Uhuru Kenyatta.
Ugu dambayn natiijadii doorashada
ayaa lagu dhawaqay waxana ku dhawaqay gudomiyaha commission ka doorashoyinka ee
wafula chebukati iyada o lakala helay codad dhan saami ahaan , William ruto
waxa u helay cod dhan 7, 176,141 o u dhiganta 50.49% halka raila odinga helay
cod dhan 6, 942, 930 oo u dhiganta 48.85 , doorashadani waxa ay ahayd doorasho
aad iyo aad u adag aadna loo soo ololeeyay isla markaana xaga nitijada aad iyo
aad laysugu dhawaa akhirkii wa kuwa uhuru Kenyatta iyo raila odinga ay
maxkadama geen jireen documents baabur badan lagu Raray isla markaana go”aankii maxkamadu noqday in
willilam ruto yahay madaxwaynaha Kenya e la doortay doorashadi ay sax ahayd (
Valid election ) isla markaana aysan dhicin wax musuq ah o doorashada la xadhiidha.
Maxaan
ka naqana madaxwaynaha cusub e Kenya?
William ruto waa nin
aad u da yar waa 55 sano jir yarantisi kusoo baar baray nolol aad iyo aad u
adag , yarantiisu waxa u iskuul ka ku dhigan jiray caga cadaan ilaa u gaadhay
da”da 15 sano jir oo u xidhay kabo waa sida u isagu sheegay ee, waxa uu uso yaqaan xayraankii qaranka e garab
rarata ahaa kaas o aad u tagereen dadka reer Kenya ee sabool ka ahaa isla
markaana ku ololeeyay siyaasad ku dhisan in wax loo qabto bulshada saboolka ah
eee aaan haysan waxa ay noloshada ku dabaraan.
Dhalin yaranimadiisi
waxa uu iibin jiray looska iyo hilibka digaaga oo u ka ganac san jiray gobolka
u kasoo jeedo ee Rift valley , arintani waxa ay cadayn u tahay in ay dhalin
yaradu shaqaysato isla markaana wax kasta oo diintena islaam ku ogashahay la
qabto e layska daayo fadhiga iyo sheekada si aan barwaaqo sooran u gaadhno.
Waxa u meesha ka saaray
o khadka cas dhaafiyay wiilashi wax ku cuni jiray qaadada dahab ka ahayd ee
kusoo koray nolosha barwaaqa sooran ka ahayd waa raila odinga iyo uhuru
Kenyatta ee kuwaas o abayashood dalka Kenya kaso noqdeen madaxwqayne iyo
madaxwayne ku xigeen isla markaana ahaa qoysas taajirina, arintan wax ka baran
karnaa in hadii u qofka dadaalo dadaal hagar la’aan ah u gidaar kasta jabinaayo
sidaa daradeed wiliam ruto waxu hoosta
ka xariiqay hadal ah caga cadaan ilaa madaxwayne nimo.
Sidaa daradeed
doorashada Kenya waxaan ka baran karnaa qodobadan hoose o ay tahay in aan
fahano:
1. Hufnaanta ayaa caawisay.
Guddiga madaxa banaan
ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa si deg deg ah website-kooda
dadweynaha ugu soo bandhigay nuqullo la sawiray oo ka mid ah foomamka
natiijadii laga soo aruuriyay goobaha cod bixinta iyo doorashada. Tani waxay u
ogolaatay musharaxiinta siyaasadda, warbaahinta, falanqeeyayaasha iyo
muwaadiniinta xiisaynaya inay naftooda u arkaan xogta, iyo, haddii ay sidaas
rabaan, inay sameeyaan tabo u gaar ah. Inkasta oo qaar ka mid ah macluumaadka
khaldan ay soo baxeen, tani si dhakhso ah ayaa looga soo horjeestay helitaanka
xogta aasaasiga ah, xitaa haddii warbaahinta qaar ay labaduba si xun u
diyaargaroobeen in mugga xogta la farsameeyo oo ugu dambeyntii laga qoor ogeysiisyada ka hor- IEBC. In kasta oo
xanaaqa uu ka kacay xarunta qaran ee xog ururinta ee Nairobi, haysashada
dukumeentiyada natiijooyinka aasaasiga ah oo si weyn loo heli karo si loo baaro
waqtiga dhabta ah waxay caawisay xaddididda, ugu yaraan ilaa xad, xanta xun iyo aflagaadada doorashada waana
arinta ugu way ee ka dhigtay doorashada mid hufan oo heer sare ah in si digital
ah loola socda.
2. Waxaan ka baran karaynaa waa dalka kaliya
e qabta hal maalin doorashoyin badan oo isa saran sida doorashada madaxwaynaha
Maalinta doorashada , Kenyaanka ayaa sidoo kale u codeeya xubnaha baarlamaanka
iyo wakiilada haweenka kowntiga, kuwaas oo ku fadhiya baarlamaanka qaranka, iyo
senatarrada aqalka Senetka. Waxay sidoo kale u codayn doonaan gudoomiyaasha
gobolada iyo xubnaha golaha deegaanka waa dalka kaliya e qabta hal mar
doorashooyin badan oo isa saran isku na sidkan , dalka Somaliland ayaa isna qabtay
sanadkii tagay ee 2021 doorashoyin isku sidkan o ah gole deegaan iyo gole baar
lamaan.
3. Hay’addo dowladeed oo macqula oo kalsooni
lagu qabo iyo shacab leh aqoon, una badan dabaqada dhexe oo faqrigu ku
yaryahay. Kenya aqoon ahaan dadkeedu waa ka horeeyaan dhigooda bariga Africa ,
dhanka shaqada iyo dakhliga sidoo kale , dalkuna wuxuu leeyahay hay’ado dowli
ah is kormeera sida garsoor madax bannaan o lagu wada kalsoon yahay .
4. Garsoor madax bannaan waa shardiga
doorashooyin heshiis lagu yahay: Kenya ilaa 2017 ilaa manta waxaa musharixiinta
diideen natiijada doorashada , dalkuna wuxuu khatar u galay dagaal sokeeye ,
balse waxaa mar walba kala badbaadiyay musharixiita maxkamadda saree e dalka oo
ay fadhuyaan rug caddaayo aqoon dheer u leh sharciga , lagu soo xulo tartan
furan , si wayna kalsooni loogu qabo, waana midda keentay in la waayo siyaasi
ku dhiirada inuu diido go’aanka garsoorka maadaama uu yahay hay’ad lagu
kalsoonyahay , shacab waynuhuna go’aankooda aqabalayaan.
5. Doorasho dad badan ay diwaan gashanayeen
oo kor u dhafaya 22 milyan oo qof waxaana ay goobaha codayntu ahaayeen 46 kun o
gobood ayay sare u dhafayeen walow ay codeeyen dad ka yar inta diwaan gashan o
ahayd doorashadi ugu yarayd e abid Kenya loo soo baxo haddana halkan waxaan
kala baxaynaa casharka ah in baaxada codka intaas leeg iyo gobahaas aad ka u
tirade badan in ay maamuleen guddi doorasho ( Commission election ) daacada oo
si xor ah u kala hufay doorashoyinkaas isku sidkaana e isa saarna e aad ka u
badan heer hoose ilaa heer madaxwayne.
6. Waxaa ka dhacday dalka Kenya doorasho
Digital ah (Digital technology) oo codka ay hagayso technology taas oo si toos
ah warbahintu u qaadan karto isla wakhtiga la hubiyay ba si dad waynaha looga
soo bandhigo websites ka , Blogs ka iyo Tv yadaba si online ah waa daah furnaan
wayn o aad u balaadhan.
7. Waxaa kale oo jirta in doorashadu wakhtigeda ku dhacdo isla maalinta la
cayimay , madaxwayanaha xilka jooga muda xileedkisa uun buu si toos ah u
dhamaystaa mana jirto wax mudo kordhina haba yaraate hal saac.
8. Ciidamada amniga , wasarada arimaha gudaha
iyo commision ka doorashoyinka qaranku way ka madax banan yihiin xukumadda
markaas jirta o waxa u shaqenayaan si national level ah maalinta doorashada
halkaasna cashar aad iyo aad u wayn ayaa ku jira.
9. Xisbiyo badan oo is wada garab saday oo
iibinayay fikrado walow Kenya ay caqabad wayn ku tahay qabiilka iyo qoomiyadaha
hadana fikrad ayaa la iibiya e si toos qoomiyadaha loogama ololeeyo.
10. Waxa tartamay laba is bahaysi o kala ah KENYA
KWANZA iyo AZIMIO iyo labo nin oo kale aan aad u awood badnayn waxaan ka baran
karnaa waa is bahaysiyo furan o aan xad lahayn.
Ugu dambayniit waxaan
soo taxliilinay cashar lama ilaawan ah taas o ay tahay in aan dunida darasno o
wax ka barano isla markaana aan la jaan qaadno si aan u noqono ummad soo jeeda
o dunida la sacoto , ugu dambayntii waxaynaan ilaawi doonin wax yabaha ay
doorashada Kenya ku xuntahay marka aan dunida kale barbar dhigno.
ILAAHAY AYAA MAHAD LEH.
Mohamed Aden Hassan
Contact:
[email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!