Meeraysi Iyo Muran, Waa Meheradeenii, Midh Baan Meeshaqabanayn, Magaalooyin Kala Sheega,

0
Tuesday September 13, 2022 - 09:50:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meeraysi Iyo Muran, Waa Meheradeenii, Midh Baan Meeshaqabanayn, Magaalooyin Kala Sheega,

    Masnadii Wajaaliyo, Miinadii Berberasiisay, Meeshii Maxaa Hadhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masnadii Wajaaliyo, Miinadii Berberasiisay, Meeshii Maxaa Hadhay.

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B],

 

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

 

Maalaha iyo misgeedaha,

 

Midkoodna kuuma roone,

 

Maxa Muranka kaa galay,

 

Mar haddad ka maqantay,

 

Midigtaada iyo bidixdadu,

 

Mataano weeye kugu yaal,

 

Midna lagama maarmaayo,

 

Meeraysigodan mooyaane,

 

Meel ma kala tegaayaanoo,

 

Madaxyadaa isugu xidhane,

 

Marina kama banaanaadoo,

 

Mirqin baan dhex marikarin,

 

Midhkaan Meesha qabanayn,

 

Magaalooyin kala sheegane,

 

Masnadii Togwajaaliyo,

 

Miinadii berbera siisay,

 

Muuse maqal midhkagii,

 

Madaxtooyadii raraye,

 

Meeshii maxaa hadhay.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...