Ururka Waaberi Oo Qabsaday Shirwaynihiisii Koowaad

0
Monday September 12, 2022 - 18:37:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Waaberi Oo Qabsaday Shirwaynihiisii Koowaad

    "Xubno ka socday Guddida diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa iyagu goob joogo ka ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xubno ka socday Guddida diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa iyagu goob joogo ka ah"



Hargeysa (HWN) Ergada Shirweynaha kowaad ee Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa doortay xubnaha shirguddoonka shirweynaha Ururkaas.

 

Shirweynaha Ururka Waaberi oo ka furmay maanta Hargeysa, oo ay ka qayb galeen 273 ergo, waxa ay cod aqlabiyad ah ugu codeeyeen Xubnaha shirguddoonka kuwaas oo ay u codeeyeen 268 ergo.

 

Guddoomiyaha shirguddoonka Maxamed Miige

Guddoomiye kuxigeenka kowaad Sucaad Axmed

Guddoomiye kuxigeenka labaad mowliid Muumin

Xoghaye Cabdi Khayre Dirir

 

Shirweynaha Ururka Waaberi waxa goob joogo ka ah Marti sharaf tiro badan oo isugu jira Xildhibaanno iyo madax kale.

 

Xubno ka socday Guddida diiwaan gelinta Ururrada siyaasadda ayaa iyagu goob joogo ka ah oo kormeeraya Habka uu u dhacayo Shirweynaha Waaberi.


Loading...
Loading...