Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Baaqa TPLF Ee Ah Inay Wadahadal Diyaar U Yihiin.
Hargeysa (HWN) Midowga
Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u
yihiin inay ka qayb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda
ka taagan waqooyiga Itoobiya.
Guddoomiyaha guddiga
Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay
fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka.
Wuxuu ugu baaqay
fallaagada iyo dowladda federaalka inay dhaqangeliyaan xabad joojin deg deg ah.
Dagaal ayaa mar kale dib
uga qarxay Tigray bishii August kadib in muddo ah ay xaaladdu deggeneyd balse
hoggaanka Tigray ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan
wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo xiisadda.
Madaxda TPLF ayaa horey
u dhaleeceeyay wadahadallada uu garwadeen ka ahaa Midowga Yurub iyagoo sheegay
inay doorbidayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horkaco
wadahadallada.
Ilaa iyo hadda lama
hayo wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan arrintani balse
horaan dowladda waxay sheegtay in wakhti kasta ay diyaar u tahay wadahadallada
lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigray.