"Yaan Lagu Meeraysan Wax Kalee Doorashada Wakhtigeeda Halagu Qabto"..Xildh. Maxamed Abiib
Hargeysa,- (HWN)-
Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan Xildhibannada Golaha Wakiillada
Somaliland ayaa si adag uga hadlay xaaladda Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka
taagan gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya xisbiyada Mucaaridka oo dhinac ah iyo
xisbul Maxaafidka iyo xukuumaddiisa oo dhinaca kale ah isaga oo Xildhibaanku
sheegay in degdeg loogu baahan yahay in go’aan midaysan laga gaadho oo aan
dalku sidan ugu sii kala qaybsanaan khilaafka doorashada.
Xildhibaan Maxamed
Abiib Yuusuf oo ka hadlayay fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee dorraad
ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed, Masuuliyadda Golaha Wakiillada
iyo arrimo kale waxaanu yidhi sidan: "Imika innagu tusaale ahaan doorasho ayaan
galnay. Golaha wakiillada iyo Deegaanka ayaan ku galnay. Xeerkee qorayay bal
hadda ii sheega. Sharcigeebuu Madaxweynuhu fulinayay. Heshiis saddexda xisbi
galeen buu ahaa. Siyaasad baa lagaga heshiiyay xeer ay ku qornaydna ma jiro.
Maantana waxaan qabaa in la heshiin karo oo dhinacyda axsaabta siyaasaddu
heshiin karaan. Waxa aan madaxweynaha Somaliland u soo jeedinayaa iyo dadka
kale ee siyaasadda saamaynaya ee ay khusayso in aan lagu murmin sharci baa
dhigaya. Sharciga aan la jabin Karin ee aan la baal marin Karin ee aan waxba
laga baddali Karin waa Qur’aanka kariimka ah ee xagga Rabbi ka ahaaday. Sidoo
kale Xadiiska Rasuulka marka laga yimaad wixii kale oo dhan innaga ayaa
leexleexsan karna oo kolba sida aan doono ka dhigan karna. Haddii aynu ku heshiinno
wax alla waxa doorasho ahna hal maalin aan wada qabano sida Kenya oo kale waan
leenahay oo waan karnaa. Laba aan isa saarno haddii aan leenahay waan leenahay
laakiin heshiiska siyaasiga ah ayaa muhiim ah iyo wixii hadba lagu heshiiyo.”
Intaa kadib Xildhibaan
Maxamed Abiib Yuusuf waxa si adag uga hadlay xaaladda Golihiisa Wakiillada oo
uu dhaliilo u soo jeediyey waxaanu yidhi: "Goleheenu waa in uu iska daayaa
shirarka iyo kala kooxaysiga. Maalinta dano kale dibadda innaga soo galaan
Golaha toddobaatan, Toddobaatan iyo shan Toddobaatan iyo Lix ayuu isku taagayaa
waar inaadeer maalinta lagu soo amro waxaaba ka muhiimsan adiga oo ka sarreeya
cidda ku soo amartay oo dadbaa ku soo doortee sidee laguu amri karaa. Sidee
laguu odhan karaa maanta Golihii tagoo hebel sii daa sidee laguu odhan karaa.
Ma waxa aynu noqonnaa dad ku raaxaysta duuduub baa lagu ansixinayaa. Waa lagu
heshiiyey berri orda oo golihii waxaa ka dhaha. Ma waxaasay shaqadeenu noqotay.
Ma noqon karayso Ilaahayna waa ku waydiinayaa. Golaheena waxaa lagu raaxaystaa
habeenka la yidhaa nin hebel baa waxaa wata. Habeenkaasi ayaa lagu
wareerinayaa. Laba Milyan oo taleefan kugu soo dhacaya. Amxamed Abiibow soo
kallah, soo carar berri kaalay, ninkii mala heshiisay ninkii ma dhammaynay.
Waar orod oo naga tag. Anigu waxaan ka helaa laguma heshiin, waa laga doodayaa.
Way sii soconaysaa dooddu berribaa qodob qodob baa loogu codaynayaa. Maalinta
la yidhaa duuduub baa lagu ansixinayaa qalbiga ayaa I xanuuna”. Ayuu yidhi
Xildhibaan Maxamed Abiib.