Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Muuse Biixi

0
Monday September 12, 2022 - 18:17:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Muuse Biixi

    "Waxa uu sheegay in aan madaxweyne fiican la helayn, haddii aan xisbiyo fiican la helin,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa uu sheegay in aan madaxweyne fiican la helayn, haddii aan xisbiyo fiican la helin,"


Hargeysa, -(HWN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee Kulmiye, WADDANI iyo UCID, uu wakhtigoodi dhamaaday oo ay yihiin xisbiyo kumeel gaadh ah, isla markaana ay tartanka ka hadhayaan haddii aanay sharciyadooda keenin 28 bishan aynu ku jirno ee sagaalaad, maalintaasi oo maalmo koobani innaga xigaan. Waxaana hadalkaasi Madaxweynaha isla shalayba ka jawaabay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo madaxweynaha shari jabin ku eedeeyey.



Madaxweynaha oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay arday ka baxday Jaamacada Timacadde ee magaalada Gabilay, ayaa sheegay in xisbigii aan sharciyadiisa soo xerayn 28 bishan Sagaalaad 2022, uu ka hadhayo tartanka oo saaxada ka baxayo sidii ku dhacday xisbigii mudada dheer talada Somaliland hayay ee UDUB.


Madaxweynaha Somaliland oo hadalkan xafladda ka jeedinayay waxa uu yidhi: "Saacadaa aanu joogno waxaanu nahay xisbiyo kumeel gaadh ah, saddexda xisbi waxa laga rabaa bishan  aynu ku jirno 28 keeda in ay keenaan sharciyadoodii oo dhan, dhismahoodii, guddidii fulinta, golihii dhexe, xeerka ay ku kala baxaan, xisbigii keeni waayaa halkaasuu ku hadhayaa, sidii xisbigii udub waana sharci"


Madaxweynuhu wuxuu kasoo horjeestay soojeedintii guddida ganacsatada, isaga oo sheegay in aanay suuragal ahayn in laysku sidko doorashooyinka madaxtooyada iyo urrurada, waxa uu sheegay in marka hore la dooranayo saddex xisbi kadibna ay madaxweyne u tartami doonaan.


Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xisbiyada muucaaradka ay isku hayaan urrurada hala furo iyo yaan la furin, iyo haddii la furo yaanay galin doorashada madaxweynaha iyo ha galaan, isaga oo sheegay in aanu ka baqanayn in uu tartan la galo WADDANI iyo UCID.


Waxaanu yidhi."Qodobka ay maanta aad uga damqanayaan waxa weeyaan urrurada yaan la furin, haddii la furana tartanka madaxweynaha yaanay ka qaybgalin, haddaanu cid siyaasad isku hayno, haddii aan cid ka baqanayo oo aan leeyahay yayna kula tartamin Gaboose iyo Axmed Ismaaciil Samatar ayuunbaan iska fogayn lahaa"


Waxa uu sheegay in aan madaxweyne fiican la helayn, haddii aan xisbiyo fiican la helin, sidaa daraadeedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xisbiyo lasoo saaro, oo sidaa taladii kusoo urrurtay.


Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi oo ka jawaabayay hadalkaasi Madaxweynaha ayaa yidhi: "Maanta waxa run ah in Madaxweynaha Somaliland fashilmay. In uu ku fashilmay in uu dadka mideeyo. In uu ku fashilmay in uu shuruucda dalka ilaaliyo. In uu ku fashilmay in uu dalka doorashooyin ka qabto. In uu ku fashilmay in uu dalka sumcaddiisii dibadda ilaaliyo. Maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay waxa uga dhiman wax ku siman 61 maalmood. Waxa kale oo xaqiiqo ah in aanay jirin duruuftii dastuurku fasaxayay ee muddoda madaxweynaha loogu kordhinayay. Marka madaxweynuhu maanta doono muddo kordhin waxa uu dunida farriin ahaan ugu dirayaa waa Somaliland amni maaha. Maadaama dastuurka Somaliland hal qodob oo kali ah uu ku sheegayo muddo kordhin Madaxweynaha loo sameeyo oo ku iman karta dalka oo Nabad galyo darro ka dhaco taasina in ay jirto iyo in aanay jirin umadda ayaa arkaysa. Sharciga Madaxweynuhu maalin walba ku sheego in uu ilaaliyaa waxa la is waydiin karaa halkee ku yaallaa. Sharcigee Madaxweynaha u ogolaanaya in uu marna isu baddalo guddidii doorashada, mar uu isagu noqdo guddidii diiwaan galinta, shalay waxa uu madaxweynuhu yidhi 28-ka Bishan xisbigii soo gudbin waaya waxa laga rabo waxa uu ka hadhayaa doorashada. Su’aasha is waydiinta lihi waxa ay tahay halkee ku yaallaa muddodaasi dhammaadka ahi. Madaxweynuhu ma isaga ayaa guddidii diiwaan galinta Noqday. Ma isaga ayaa maxkamadihii noqday ma isaga ayaa baarlamankii noqday”. Ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi.

Loading...
Loading...