Madaxwaynaha Kenya Oo Hanjabaad U Diray Dillaaleyda Qaadka

0
Monday September 12, 2022 - 18:05:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Kenya Oo Hanjabaad U Diray Dillaaleyda Qaadka

    "Aniga ii daaya arrimaha qaadka. Waxaan toddobaadkan kulan la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aniga ii daaya arrimaha qaadka. Waxaan toddobaadkan kulan la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya"


Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto, ayaa shacabka Kenya u xaqiijiyay in ballamihii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada uu fulin doono, isla markaana aysan jirin wax laga welwelo.

 

Ruto, oo ka hadlay garoonka Maya Stadium ee magaalada Meru, xilli ay ka socotay xaflad mahadcelin ah, ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee uu qabanayo kaddib dhaarintiisa oo ku aaddan maalinta beri ah ay tahay inuu hirgeliyo qorshe uu kor ugu qaadayo nolosha shacabka Kenya.

 

Ruto, ayaa dadka deegaanka Meru u sheegay inuu ka howlgali doono sidii uu ku soo afjari lahaa dallaaleyda jaadka, isaga oo beeralayda qaadka u jeediyay in aysan welwelin. Dadku waxay qabeen cabashooyin dhanka ganacsiga qaadka ah tan iyo markii Kenya iyo Soomaaliya ay bilooyin ka hor ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Jaadka.

 

William Ruto, ayaa intaas ku daray in uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uuna kala hali doono suuqa qaadka iyo horumarinta ganacsiga labada dal.

 

"Aniga ii daaya arrimaha qaadka. Waxaan toddobaadkan kulan la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya si aan suuqa qaadka uga wada hadalno. Beeralayda qaadku waa in aysan welwelin, dhammaan arrimaha qaadka ku saabsan waannu la macaamili doonnaa," ayuu yiri William Ruto.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya, iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

 

Xayiraaddii ay dowladda Soomaaliya saartay dhoofinta qaadka ayaa dharbaaxo ku noqotay ganacsiga qaadka ee Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go'aankii ay dowaladda Britain uga mamnuucday in dalkeeda loo dhoofiyo, maaddaama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.

 

Kaddib heshiiskii dhoofinta qaadka ee dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa ganacsatada jaadka ee Kenya waxaa lagu amray inay u hoggaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka), kaas oo Xeerarkiisa isbeddel lagu sameeyay.

 

Sida uu xeerku dhigayo, dhoofiyeyaasha qaadka waa inay diiwaan gashadaan oo ay shati ka haystaan Maamulka Beeraha iyo Raashinka Kenya ee loo soo gaabiyo AFA. Ganacsatada ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay helaan oggolaanshaha dhoofinta shixnad kasta.

 

Qof kasta oo dhoofiya qaadka bilaa shati waxa uu mutaysan doonaa xarig ilaa saddex sano ah ama ganaax dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah.

 

BBC


Loading...
Loading...