Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Masuul Ka TIrsanaa Xukuumadiisa Iyo Sababta Keentay

0
Monday September 12, 2022 - 12:08:24 in News by Abdi Good
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Masuul Ka TIrsanaa Xukuumadiisa Iyo Sababta Keentay

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Masuul Ka TIrsanaa Xukuumadiisa Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Xilkii Ka Qaaday Masuul Ka TIrsanaa Xukuumadiisa Iyo Sababta Keentay

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga Itoobiya Mudane Xasan Muxumed Aw Macallin oo wasaaraddaas u qaabbilsanaa qaybta is-dhaxgalka deegaannada oo uu madax ka ahaa.


Xasan Muxumed Aw Macallin oo loo garan ogyahay Xasan Macallin ayaa sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen in laga wareejiyey xilkan kaddib markii saluug badan laga muujiyey kartidiisa shaqo iyo heerka fahamka xilka uu hayay oo hooseeyey.

Cabashooyin badan oo ka yimid deegaannada dalka ayaa la sheegay in ay galaafatay Xasan Macallin oo hore uga mid ahaa ururka ONLF laakiin sheegay inuu ka baxay oo uu xukuumadda Abiy Ahmed ka mid noqday.

Madaxweyne Mustafe oo la sheegay in lagu canaantay in uu xafiiska Ra’iisal wasaaraha u gudbiyey Xasan Macallin xilligii la magacaabayay, waxaanay ilo-wareedyadu sheegayaan in Madaxweynaha DDS loo sheegay, in qof aan lahayn karti shaqo iyo mid aqooneedba uu soo gudbiyey magaciisa.
Warka ayaa intaa ku daray, in Xasan Macallin loo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda War-shadaha oo la sheegay inay ka shaqo yar tahay wasaaradda hadda laga wareejiyey.

Xasan Macallin ayaa noqonaya masuulkii labaad ee kasoo jeeda gobolka Jarar ee lagu eedeeyo in aanu lahayn karti uu kaga shaqeeyo heer federaal, waxaana ka horreeyey Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Cabdiraxmaan Gurey) oo waqtigii Males Zenawi laga dhigay waisikra Arrimaha bulshada, laakiin markii uu xilkaas ku fashilmay lagu canaantay madaxweynihii deegaanka ee waqtigaas oo lagu canaantay sababta uu usoo gudbiyey qof aan lahayn karti iyo tayo uu ku gudan karo xilka culus ee loo magacaabay.

May be an image of 1 person

Loading...
Loading...