Maxaa looga hadlayaa Shirka madasha wadatashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho?

0
Sunday September 11, 2022 - 11:03:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlayaa Shirka madasha wadatashiga Qaran ee ka furmaya Muqdisho?

    Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa sheegayaan in sidoo kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa sheegayaan in sidoo kale



Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka furmo shirka madasha wadatashiga Qaran oo socon doono muddo laba cisho ah, waxaana guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay qeyb ka yihiin Madaxda dowlad Goboleedyada.


 

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland & Koonfur Galbeed, iyada oo uu weli Magaalada Muqdisho soo gaarin Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.



 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, sida howlgallada socda .


 

Dhinaca kale Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay rajo wanaagsan ka qabaan in shirka ay kasoo baxaan waxyaabo muhiim u ah sidii looga bixi lagaa xaaladda uu kujiro dalka.


 

Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa sheegayaan in sidoo kale shirka looga hadli doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada maadaama shirkii ay ku yeesheen Muqdisho uu fashil ku dhamaaday.

Loading...
Loading...