Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Waxa Hortaagan Gobolnimada Gabilay

0
Sunday September 11, 2022 - 09:20:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Waxa Hortaagan Gobolnimada Gabilay

    "Marka ugu horreysa ee Gobolka Gebilay la ansixinayo ee xuduudaheeda la ansixinayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka ugu horreysa ee Gobolka Gebilay la ansixinayo ee xuduudaheeda la ansixinayo"


Hargaysa (HWN) Madaxweyne Muuse Biixi oo la weydiiyey waxa hortaagan Gobolnimada Gebilay ayaa ku jawaabay:-


"Gobolnimada Gebilay, aniga iyo xafiiska Madaxtooyada wax nagaga habsan ahi oo awoodda iyo sharciyada ahi Xukuumadda ahi ma jirto, oo Siilaanyo oo iga horreeyey ayaa dhameeyey. Wax alaale iyo wax lagu daraya ka jirto. Hore ayaanu u dhamaynay. Waayo ololihii u horreeyey ee aanu galno oo aanu khasab ka dhignay Lix gobol iyo Gebilay. Markii Xukuumaddii Kulmiye timid wixii sharci looga baahnaa way ka dhamaatay. Ansixintii Gobolka Gebilay Barlamaanka ayey taalaa. Gebilay waxa ku dul fadhida Caasimada, waayo iyaga gobolka Hawd. Marka ugu horreysa ee Gobolka Gebilay la ansixinayo ee xuduudaheeda la ansixinayo In caasimada laga saaro gobolka Maroodijeex la yidhaahdo. Golaha Wakiillada la iska canaan maayo ee wax ka horreeya Xeerka Caasimadda.  Marka waxaan leeyahay Baaralaamkoow Gebilay waxay idinka rabtaa in Xeerkii caasimada guddo gashaan oo Gebilay xadkeedu cadaado  Bad iyo Bariba.”


Loading...
Loading...