Cabdisalaan Yaasiin Gudoomiyaha Ururka Miisaan
Sida aan ka wada
ognahay micnaha kalmadda hogaamin waxaa weeye kartida ama awooda uu u leeyahay
shakhsi saamaynta , dhiirigalinta , awoodsiinta shacabka si ay uga qayb qaataan
guusha iyo horumarka ay hiigsanayso umaddaasi , hogaamiyuhuna waa qof leh
awooda hogaamiyenimo saameeyana habdhaqanka umadiisa uu hogaaminayo una jiheeya
hadafka la wadaago ,Madaxweyne walba maahan hogaamiye wanaagsan , balse
hogaamiye kasta oo wanaagsan wuxuu noqon karaa madaxweyne wanaagsan .
Astaamaha ama
sifooyinka hogaamiyaha dhabta ah waxa ka mid ah:
1. Hogaamiyaha dhabta
ah waa mid dareensan muhimadda xilka uu hayo umadda .
2. Hogaamiyaha dhabta
ah wuxuu diirada saaraa dadka baahidooda.
3. Awooda hogaamiyaha
waxay ka timaadda haybadiisa iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshaddiisa ee kama
timaado magac iyo maamul uu qabtay.
4. Hogaamiyuhu waa ka
awooda inuu xaaladd kasta oo adag ku waajaho geesinimo iyo caqli .
5. Hogaamiyaha dhabta
ah wuxuu leeyahay go’aan qaadasho toosan oo saxan .
6. Hogaamiyaha dhabta
ah wuxuu leeyahay taageerayaal uu dhiirigaliyo .
Gudoomiyaha Ururka Miisaan cabdisalaan yaasiin maxamed
waa hogaamiye dhab ah , oo yeeshay badankood sifooyinkaas hogaanimo, wuxuu
leeyahay fikir iyo hadaf dheer oo fog , iyo han sare oo weyn , wuxuu qaatay
khataro badan wuxuuna si geesinimo leh go’aano saxan kaga soo gudbay xaaladdo
badan oo adag , waa hogaamiye dadkiisa jecel oo hantay quluubtoodda , waa
hogaamiye caadil ah oo aan dadkiisa kala saarin , mana ahaa nin aduun iyo lacag
aruursi jecel , awoodiisa waxay ka
imaanaysay haybada uu ku yeeshay umaddisa iyo ixtiraamka uu ka helo .
Cabdisalaan yaasiin waa
siyaasi dalkiisa u soo tabcay ahaanaasaasiyaashi SNM, cabdisalaan yaasiin
maalin walba waa siyaasiga kaliya ee kasbada umadd taageerta oo jecel wuxu
dalka u soo wado,hadaba shacabka somaliland oo mudo badan sugayey isbadel
kagana dhacay niyad jab xukuumaddan 5tii sanadood xukumaysay ,isbedelkii ay
muddo dheer higsanaysay waa isbedelka u soo wado cabdisalaan yaasiin iyo
hogaanka urur siyaasideedka Miisaan, waxaana bararojinaya shacabweynaha
higaamyihiina dhabta ah taageeradiisa muujiya waano soo dhawaaday wakhtiga
isbedelku dhici laha inshalaah.
khadar Ibrahim
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!