Shirkad Somaliland Laga Leeyahay Oo Sheegtay In Hanti Ay Leedahay Si Qaldan Looga Dhigay Deeq Somaliya Loowado

0
Saturday September 10, 2022 - 09:35:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad Somaliland Laga Leeyahay Oo Sheegtay In Hanti Ay Leedahay Si Qaldan Looga Dhigay Deeq Somaliya Loowado

    "BBC waxay isku khaladay labada shixnadood ee midna ay leedahay shirkadda Al-Wadaniya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"BBC waxay isku khaladay labada shixnadood ee midna ay leedahay shirkadda Al-Wadaniya"


Hargaysa (HWN) Ahmed Farah Harbi oo ah ganacsade reer Somaliland ah ayaa bulshada Somalida u cadeeyay in 28,600 tons oo qamadi ah oo la filayo inay bishan September ka soo degto degeda Berbera ay shirkadooda Al-Wadaniya leedahay oo ay ka soo iibsatay dalka dagaaladu ka socdaan ee Ukraine. Madaxwaynaha Ukraine ayaa isna Twitterkiisa ku sheegay in 28,600 tons oo qamadi ah loo dhoogfiyay Somalia. Hase ahaatee BBC da oo soo xiganaysa hadalka Madaxawayne Zelensky ayaa sheegtay in markab qamadi ah oo deeq ihi ku soo jeedo Somalia kaasoo ka soo baxay Ukraine. Dhinaca Ukraine ayaa iyana sheegtay markab sida 23,000 tons oo qamadi ah oo ay leedahay WFP oo loogu talagalay dadka abaaruhu waxyeeleeyeen ee degan Somalia iyo Ethiopia loogu deeqay kaasoo ku soo xidhan doona dalka DJibouti.




BBC waxay isku khaladay labada shixnadood ee midna ay leedahay shirkadda Al-Wadaniya ee laga leeyahay Somaliland oo sida 28,600  tons iyo tan ah 23,000 tons ee WFP  looguna talagay dadka Somalida iyo Ethiopian ka ah ee abaaruhu saameeyeen.

 

Eng  Nasir Haibe

Toronto  Canada

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...