Guddiga Nabad-geliyadda Sool Oo Go'aamo Ka Soo Saaray Khilaaf U Dhexeeyay Laba Shirkadood
Laascaanood (HWN)
Guddiga nabad gelyadda gobolka Sool ayaa go’aamo ka soo saaray khilaaf soo kala
dhex galay shirkadaha Qaadka keena magaaladda Laascaanood.
Kadib markii ay dhawaan
shaqaaqo gacan ka hadal gaadhay dhex martay shirkadaha Qaadka keenna magaaladda
Laaacaanood.
Khilaafkaasi ayaa u
dhexeeyay ganacsatadda labadda shirkadood ee kala ah ALLA-wakiil iyo ALLA Aamin
571, oo midna Qaadka Laascaanood uga keento Kenya, midda kalena dhinaca dalka
Ethiopia.
Heshiiskan ay guddiga
nabad-gelyadda Sool ka soo saareen shaqaaqadii dhawaan garoonka diyaaradaha
magaaladda Laascaanood ku dhex martay labada shirkadood ayaa la xidhiidhay kala
riixashadda suuqa, iyo soo dejinta Qaadka ee maalmaha ay ku kaltamayaan,
kuwaasoo dhawaan isku khilaafay arrintaasi.
Kadib muddo afar
maalmood ah oo guddiga nabad-gelyadda Sool oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha
gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ay ku hawlanaayeen soo af-jaridda
muranka shirkadahaasi ayaa Khamiistii dorraad waxay ka soo saareen go’aamo la
iskula qaatay jadwalka maalmaha ay labada shirkadood mid waliba Qaadka keenayso
magaaladda Laascaanood.
Labada shirkadood ee la
heshiisiiyay oo kala ah Al-wakill, oo iyadu Qaadka loo yaqaano Miirowga ka
keenta dalka Kenya, iyo shirkadda Alla Aamin 571 oo iyadna Qaadka ka soo
waarida dhinaca dalka Ethiopia.
Kulankii shaacinta
go’aamadda lagu heshiisiiyay labada shirkadood oo ka qabsoomay xafiiska
Guddoomiyaha Sool, waxaa goob jòog ka ahaa Guddoomiyaha Sool, maayerka Laascaanood, madax dhaqameed
xubnaha guddiga nabad-gelyadda Sool, iyo wakiiladda labadda shirkadood ee Alla
Aamin 571, iyo Alla-wakiil.
Go’aamadaasi waxaa
warbaahinta u akhriyay Guddoomiya Sool ahna guddoomiyaha gudiga nabad-geliyadda
Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.
Waxaanu yidhi, "Annagu
ka dawlad ahaan, haddii aanu nahay guddiga nabad-gelyadda ee gobolka Sool,
waxaanu gaadhnay go’aan ah, in aanu u qaybino labadaa shirkadood sidii ay ula
soo kala degi lahaayeen Qaadka, ee ay ku iman lahaayeen diyaaraduhu garoonka
magaaladda Laascaanood.
Go’aankaasi oo ah 16
maalmood oo ay keenayso shirkadda Alla-wakiil, iyo 14 maalmood oo aanu siimay
shirkadda Allaa Aamin 571”.
Guddoomiyuhu waxa kaloo
uu sheegay in kadib markii ay guddi nabad-geliyo ahaan go’aamadaasi soo saareen
in hadana maamulka labada shirkadood ay iyagu dhexdoodda dib isugu noqdeen,
isla markaana ay isla qaateen heshiis ay ku midayaan yihiin oo ah in si siman
ay maalmaha keenista qaadka u qaybsadaan.
"Kadib markii aanu
guddi gobol ahaan go’aamadaasi soo saarnay, ayaa ganacsatadda Qaadka ee labada
shirkadood ee Alla Aamin 571 iyo Alla Wakiil, ay iyagu dhexdoodda dib isugu
noqdeen. Waxaanay noo keeneen heshiis ay ku midaysan yihiin oo ay ku qaybsadeen
maalmaha ay Qaadka keenayaan, iyagoo isla qaatay in shirkad waliba ay 15
maalmood keento” ayuu yidhi
Cabdikariin Aafan Xaaji
Diiriye, ayaa ganacsatadda Qaadka uga mahad celiyay heshiiskaasi danbe ee ay
iyagu dhexdooda isla qaateen, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan.