Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Mudaharaadada Mucaaradku Ku Baaqeen
Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Mudaharaadada mucaaradku ku baaqeen
![](https://www.hiiraan.com/2022/images/Sept/202299637983299517883467.jpg)
Hargeisa(HWN):-Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay Mudaharaadada ay Xisbiyada mucaaradku mar kale ku baaqeen.
![](https://www.hiiraan.com/2022/images/Sept/202299637983299517883467.jpg)
Waxa uu sheegay in Hay'addaha amaanu ay ka xil-gudan doonaan talaabo kasta oo dhaawici karta Amniga, isla markaana dhawaaqa mucaaradku aanu Sharci ahayn.
"Waxyaabaha ay ku hadleen dalku shuruuuc iyo qaanuun ayuu leeyahay, talaabo kasta oo lagu dhaawacaayo Dowladanimada, Nabada iyo wadajirka ummadana, Hay'addaha qaanuuniga ah ee Amniga ayaa u abuuran in ay ka xil gutaan" Ayuu yidhi Afhayeen Buuni.
Waxa uu sheegay in aanay Xukuumaddu ogolaanayn Mudaharaadada, isla markaana iskaba daa inay dhacaane aan lasoo qaadi karin erayga "Mudaharaad", oo uu Madaxweyne Biixi amray in aan dibad-bax danbe qabsoomi karin.
"Nabadgalyo daro ayaanu samaynaynaa cid laga yeelayaa ma jirto, Mudaharaad dhacayaana ma jiro, iskaba daaye sheegistiisa ayaa reebanba, oo Ammar baa ka soo baxay, Madaxweynaha Somaliland ayaa Ammarkaa bixiyay" Ayuu yidhi Afhayeen Buuni.
Buuni oo si gaara ula hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa sheegay in qudbadisii daraad ay caddayn u tahay in shacabku ka daaleen "Waxa Faysal tusaale ugu filan qudbadii uu ka jeediyay jaamacada Gollis ee uu yidhi 'Miyaynu ogolaanaa hoggaaminta Madaxweyne Biixi?' ee dadku haa yidhaahdeen".
Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradku wax ay samayn karaan ayna jirin, oo xataa sii wadajir kooda aan la hubin, isagoo ku andacooday in khilaaf uu ka dhex qarxay hogaanka sarre ee xisbiga WADDANI.
Loading...
Loading...