Xisbiga WADDANI Oo U jawaabay Ururada Siyaasada Somaliland

0
Friday September 09, 2022 - 19:18:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo U jawaabay Ururada Siyaasada Somaliland

    "Waxaan leeyahay Adeegayaal malaa waxaa fiicnayd hadii aad tihiin ururro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan leeyahay Adeegayaal malaa waxaa fiicnayd hadii aad tihiin ururro"


Hargaysa (HWN) Xoghayaha Amniga Xisbiga WADDANI Ibraahin Ducaale Boos ayaa sheegay in Madaxda Ururada siyaasada Somaliland ay ambadeen, ayna haatan ahayd inay ka shaqeeyaan sidii looheli lahaa sharcigii lagu dooran lahaa ururada.



Xoghaye Boos ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

 

Bismilaah

Marka hore waxaan  salaamaya

dhammaan  Shacabka Soomaliland

Meel kasta  oo Ay  ka joogaan  Daafaha Dunida

Waxaan  Rabaa inaan maanta  in yar ka yara  Tilmaan  bixiyo   Ama yara hoga tusaaleeyo

 

Marka hore Qolyahan  sheegta  Ururada waxaad  moodaa inay kayara muuqato hogseeg  siyaasadeed  hadaba waxaan kala garan waayey inay wax doonayaan iyo inay yihiin Adeegayaal  lagu duminaayo  dalka  oo  ay soo ridayaan  Qoladan  Dalka ku haysa  dulmiga,  baabi’inta sharciga, rabana  inay meesha  ka saaraan sharciyadii dalkanil ahaa.

 

Waxaan leeyahay  Adeegayaal malaa waxaa fiicnayd  hadii  aad tihiin ururro doon inaad kashaqaysaan  sharcigii  lagu dooran lahaa ururrada  waayo maba haysaan wax sharciya maxaad kudoodaysaan ba,  maah maah soomaliyeed  Ayaa Tidhaahda  marka waylaha la helo ayaa  saca  la maalaaye talo waxaan idin siin lahaa  sidaad wax ku dooni lahaydeen waad ka Abateene Loolanka  xisbiyada iyo Muusena waxaa ka dhexeeya sharciyada Tartanka  madaxweyne  ee uu hadda kufadhiyo  horena Tartanku nagusoo dhexmaray  Ayaan rabnaa inaanu maantana na dhexmaro oo  Ah sharci dhamaystiran  oo  kaga  eeg 13 November taas oo  Aad wada  ogtihiin Adeegayaal, hana kudaalina waxaydaan waxba  katarayn  waxaanad ogaataan  madaxweyne Muuse   iyo sharciga  waxaa sareeya sharcigee, ogaadana waxaa Dunida ugu liita xoog Doofaar  Lagu eryee  taana waxa kadhigan  sidan Aad ushaqaynasaane” ayuu yidhi Xoghayaha Amniga Xisbiga WADDANI Ibraahin Ducaale Boos

Loading...
Loading...