Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Halka Ay Ku Dhacdo Lacagta Laga Qaado Dadka Laga Baadho Covid-19

0
Friday September 09, 2022 - 11:04:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Halka Ay Ku Dhacdo Lacagta Laga Qaado Dadka Laga Baadho Covid-19

    Raacii 12aad ee Talaalka Covid-19 ayaa imika ka socda guud ahaan Dalka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raacii 12aad ee Talaalka Covid-19 ayaa imika ka socda guud ahaan Dalka Somaliland


Asalaamu Calaykum

Saaka waxaan kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyada Somaliland  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Xasan Gaafaadhi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xeergeeye  si aan warbixin buuxda uga helo arrimaha ku saabsan inuu iska baadho Covid-19 marka uu dalka ka dhoofayo xataa haddii uu talaal buuxa haysto, artintaas oo ay cabasho badan ka muujiyeen Qurbojooga dalka yimaada marka ay dhoofayaan.



Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dr Xeergeeye oo si aad u qoto dheer uga warramay sababta ay dadka dhoofaya ugu xidhaan inay Covid-19 iska baadhaan ayaa waxa uu sheegay in sababtu ay tahay in Shacbiga Somaliland ay 20% oo keliyi ay talaalka qaateen, halka Wadanada kale sida UK ay 80% ay dadkoodu talaalan yihiin taasina ay sababtay inay ogolaadaan in dadka aan talaalayni ay geli karaan xataa haddi ay Covid-19 qabaan.


Agaasimuhu waxa uu  ii sheegay in maadaama ay  aad u hooseeyaan dadka reer Somaliland ee talaalka qaatay, waxaa qasab nagu noqotay inaanu baadhno qof kasta oo diyaarad raacaya si aanu u ilaalino Caafimaadka dadka Diyaaradaha raacaya si aanay u qaadin xanuunka Covid-19, taasoo   sumcad darro iyo caqabad ku keeni karta Somaliland, isla markaasna horseedi karta in Dawladahu xayiraad ku soo rogaan dadka reer Somaliland ee dhoofaya hadii xanuunka laga helo.


Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Xasan Gaafaadhi ayaa isaguna ii sheegay in ujeedada aanu dadka u farnay inay is baadhaan ay tahay inaanu ka hor tagno in dad Covid-19 qabaa ay diyaarada raacaan oo ay dadka rakaabka ah qaadsiiyaan, hadhowna sumcad darro ay soo gaadho Somaliland.


Waxa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ay ii sheeegeen in maalin kasta xanuunka  Covid-19 laga helo dadka is baadha ee dhoofaya, taasina ay ka hortag u tahay bedqabka rakaabka diyaarada.


Xagee ayay qabataa lacagta Baadhista Covid-19 ee dadka laga qaadaa?

Su’aashaas oo aan waydiiyay Wasiirka iyo Agaasimaha waxay ii sheegeen inay ku dhacdo Qasnada Dawlada oo ay Wasaarada Maaliyaddu qaado, kuna jirto miisaaniyada Qaranka.


Ugu danbayn waxa ay madaxda Wasaarada Caafimaadku ii sheegeen inay dardar geliyeen sidii dadka reer Somaliland ay Talaalka u qaadan lahaayeen, mustaqbalkana ay dib u eegi doonaan arrinta baadhista laga rabo dadka dhoofaya, taasoo ku xidhan sida ay dadweynaga reer Somaliland isu talaalaan.


Raacii 12aad ee Talaalka Covid-19 ayaa imika ka socda guud ahaan Dalka Somaliland, balse waxa uu u socdaa si cago jiid ah.


Waad Mahadsan tihiin

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Hargeysa. Somaliland

Loading...
Loading...