Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bahda Fanka Iyo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire

0
Friday March 08, 2019 - 18:27:07 in News by
  • Visits: 2799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bahda Fanka Iyo Shacabka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Abwaan Bashiir Ismaaciil Mire

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeMarxuum Abwaan Bashiir Ismaaciil Mireoo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 08/03/2019, Magaalada Hargeysa.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku si sifeeyey abwaan door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, nabadayntii shacbiga Somailand iyo dib u dhiskii dalka.



Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Loading...
Loading...