WADDANI Halkuu Ka Taagan Yahay Muddo-Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi?

0
Wednesday September 07, 2022 - 18:17:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Halkuu Ka Taagan Yahay Muddo-Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi?

    Xisbiga WADDANI Halkuu Ka Taagan Yahay Muddo-Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Halkuu Ka Taagan Yahay Muddo-Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi?


Hargeisa(HWN):-Xisbiga mucaaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay inaanay aqbalayn in Madaxweyne Biixi loo sameeyo muddo kordhin aan lagala tashan.



Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo warbaabinta kula hadlay barxadda Jaamacadda Gollis oo uu kaga qayb-galay Xaflada qalinjabinta dufcadii 33aad ee ka baxda, ayaa sheegay inaanay aqbalayn muddo kordhin aan iyaga lagala heshiin.

"Maya mawqifka yagana waanu sheegnay, waxa nooga meel yaala 13 November wixii ka danbeeya hadaan laga wada hadal, hadaan wax layskaga ogayn, ma jirto dariiqo sharci ah oo lagu kordhiyaa, waxna lagama heshiin labada shay ayaa wax lagu kordhin jiray" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in anay aqbali doonin madaxnimada madaxweyne Biixi wixii ka danbeeya 13 November, oo uu ku egyahay maddo xileedkii loo doortay madaxweynaha "Markaa anagu ma aqoonsanayno dowlada xiligaa wixii ka danbeeya ma aqbali doono".

Madaxweynaha Somaliland ayaa la rajaynayaa in loo kordhiyo muddo xileedka, iyada howlihii doorashada lagu gali lahaa anay diyaar ahayn khilaafka siyaasadeed awgeed, isla markaana mudadu ay gaabantahay.

Loading...
Loading...