Xildhibaan Hore Maxamed Saalax Cige oo u jawaabay Xildhibaanka deegaankiisa Khadar Cali Xakiin

0
Tuesday September 06, 2022 - 17:57:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Hore Maxamed Saalax Cige oo u jawaabay Xildhibaanka deegaankiisa Khadar Cali Xakiin

    Aragtidayda iyo xildhibaankayga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidayda iyo xildhibaankayga


Waxaan akhriyey qoraal uu xildhibaankayga khadar soo dhigay bartiisa Facebookga oo uu ku sababaynayo diga rogashadiisa uu damacsan yahay inuu u diga rogto xisbiga kulmiye kana bedesho xisbigii deegaankiisa ee uu xildhibaanimada ku helay.



Waxaan is leeyahay hadii xildhibaanku go'aansaday in uu deegaanka uu ka soo jeedo tub cusub u jeexo oo uu jidkii hore ka weeciyo wuxuu xildhibaanku ku khasban yahay inuu talada ku celiyo dadkii doortay ee soo saaray sababna u ahaa in uu ka mid noqdo mudanayaasha golaha wakiilada. Oo haday la ogolaadaan uu sidaa ku jogaamiyo.


Asal ahaan shaqada xildhibaanku waxaa kow ka ah inuu golaha ku metelo deegaan doorashadiisa siyaasadda dalkana ku metelo qaranka somaliland markaa xildhibaan kasti wuxu hayaa laba shaqo oo ah tan deegaankiisa iyo tan qaranka.


Hadaba waxan is leeyahay sababaynta xildhibaanku uu maqaalkiisa ku xusay waa fikir ku keli ah isaga waana doorasho uu keligii qaatay isagoo kaga aragti duwan deegaankiisa doorasho waxana xildhibaanka la gudboon in uu hadalka dhayda ka caddeeyo oo uu go'aansado inuu keligii go'aansaday inuu sidaa yeelay.

Gari allay taqaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...