Gudoomiyaha Golaha wakiilada Oo Ka Hadlay Natiijada Ka Dhalanaysa Ansixinta Xubnaha Ka Dhinaa Komishanka Doorashooyinka
Gudoomiyaha Golaha wakiilada Oo Ka Hadlay Natiijada Ka Dhalanaysa Ansixinta Xubnaha Ka Dhinaa Komishanka Doorashooyinka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu u ansixiyeen Xubnihii ka hadhsanaa Komishanka doorashooyinka Somaliland, si aan dib u dhac dambe oo ku yimaada arrimaah doorashooyinka aan Golahooda wax looga saarin.
"Waxan soo jeedinayaa in Xubnahan Komishanka doorashooyinka si wada jir ah hawshooda u dhamaystiro, si ay u guddo galaan hawshii u taalay Komishanka doorashooyinka Qaranka oo aan dib u dhac dambe, oo Golaha Wakiillada wax laga saaro aanay u iman.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu sheegay in looga baahan yahay Xubnaha komishanka doorashooyinku in ay caddaalad iyo si waafaqsan xeerarka iyo Distuurka dalka u gutaan shaqada culus ee horyaala, waxaanu yidhi "Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komishanka ee aynu codka siinay maanta in ay xilkooda u gudan doonaan, si waafaqsan xeerarka, shuruuda dalka iyo Distuurka qaranka. Waxa aynu ka filaynaa waa caddaalad iyo garsoor ay u sameeyaan dhamaan tartamayaasha iyo asxaabta qaranka ama Ururada tartami doonta.”
![]() |
Loading...
Loading...