Gud. Cabdirisaaq Khaliif Oo Ka Hadlay Ansixinta Xubnaha Komishanka

0
Tuesday September 06, 2022 - 11:23:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. Cabdirisaaq Khaliif Oo Ka Hadlay Ansixinta Xubnaha Komishanka

    "Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komishanka ee aynu codka siinay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komishanka ee aynu codka siinay"


Hargasya (HWN) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Golaha Wakiilladu u ansixiyeen Xubnihii ka hadhsanaa Komishanka doorashooyinka Somaliland, si aan dib u dhac dambe oo ku yimaada arrimaah doorashooyinka aan Golahooda wax looga saarin.



"Waxan soo jeedinayaa in Xubnahan Komishanka doorashooyinka si wada jir ah hawshooda u dhamaystiro, si ay u guddo galaan hawshii u taalay Komishanka doorashooyinka Qaranka oo aan dib u dhac dambe, oo Golaha Wakiillada wax laga saaro aanay u iman.”  Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.


Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu sheegay in looga baahan yahay Xubnaha komishanka doorashooyinku in ay caddaalad iyo si waafaqsan xeerarka iyo Distuurka dalka u gutaan shaqada culus ee horyaala, waxaanu yidhi "Waxa aan rajaynayaa in xubnahaas Komishanka ee aynu codka siinay maanta in ay xilkooda u gudan doonaan, si waafaqsan xeerarka, shuruuda dalka iyo Distuurka qaranka. Waxa aynu ka filaynaa waa caddaalad iyo garsoor ay u sameeyaan dhamaan tartamayaasha iyo asxaabta qaranka ama Ururada tartami doonta.”

Loading...
Loading...