Waqtiyadii Dambe 1986-Kii Iyo Waxii Ka Dambeeyay Sida Uu Boqortooyo Ugu Diyaariyay Maxamed Siyaad Qoyskiisa.
Liiskan hoose waxa uu
ka marag kacaya sidii Maxamed Siyaad boqortooyada ugu diyaariyay waqtiyadii dambe qoyskiisa iyadoo ay ku
kalifaysay kolkii dambe inuu waayay cid kale oo uu aamino markii godobtii
Soomaalida dhexdeedu badatay.
Waxanay arrintani keentay
inuu reerka laftiisa uu gabbood ka dhigto, isagoo xubno badan oo qoyskiisa ah u
dhiibay boosas badan oo muhiim ah oo masuuliyadda dalka ah.
1. Maxamed Siyaad Barre
Madaxweynaha Soomaaliya.
2. Maslax Maxamed
Siyaad taliyaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
3. Cabdiraxmaan Jaamac
Barre wasiirka Maaliyadda
4. Cabdilaahi Maxamed
Siyaad wasiir ku xigeenka caafimaad
5. Canab Maxamed Siyaad
Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda.
6. Axmed Saleebaan
Cabdille (soddoggii) wasiirka arrimaha gudaha
7. Cabdillaahi Maxamed
Mirre (soddogii) wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare.
8. Cabdiraxmaan Xasan
(soddogii) taliyaha ciidanka guulwadeyaasha.
9. Maxamed Siciid Xirsi
Morgan (soddoggii) wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga.
Waxa kale oo aan iyana
meesha ka madhnayn in waqtiyadii dambe saraakiisha kale ee dalka madaxda ka
ahayd ay dhif iyo naadir ahayd masuul aan si uun ugu xidhnayn qoyska Maxamed
Siyaad ha noqoto saaxibtinimo, casabo, xididnimo iyo tolnimo.
W/Q/ Mawliid Maxamed
Siciid.
Xigasho. KACAAKUFKA
SIYAASADDA SOOMAALIDA 1950-2019.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!