Madaxweyne Cigaal Iyo Gacanyarihiisii.

0
Monday September 05, 2022 - 10:11:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cigaal Iyo Gacanyarihiisii.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay


Madaxweyne Cigaal ‘AHN’ ayaa xan hoose ku maqlay in nin gacanyarihiisa ahi uu war ay isku-ogaayeen u sheegay dadka kale, markaasuu u yeedhay oo ku xanaaqay, oo uu ninkii ku shubay shaah uu cabbaayey.



Dabadeed ninkii oo shaadhkiisii shaahii ka muuqdo ayaa ka soo baxay albaabkii xafiiska madaxweynaha. Ka dib waxa kaabadii xafiiska kaga soo horbaxay koox wasiirro ah oo ballan la lahaa madaxweynaha, waxa aanay su’aaleen shaahan shaadhka kaga daadtay? Markaasuu ugu jawaabay, "madaxweynaha ayaa sheeko qosol badan iiga sheekeeyey markaasuu qosol dartii shaahii igu daadatay”. Ka dib wasiirradii ayaa madaxweynaha ku yidhi, sheekadii qosolka badnayd ee hebel aad uga sheekaysay nooga sheekee.


Dabadeed madaxweynihii ayaa ninkii markii dambe xil sare u magacaabay, markuu ku qancay heerka dulqaadiisa.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...