Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ka wada hadlay horumarinta Iskaashiga Maal-gashiga

0
Monday September 05, 2022 - 09:54:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ka wada hadlay horumarinta Iskaashiga Maal-gashiga

    Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgaashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aarre oo ay wehelinayaan madaxda safaaradda Somaliland ee Ingiriiska, ayaa shir la yeeshay hay’adda waddankasi u qaabilsan maalgashiga caalamiga ah ee British International Investment(BII), taasoo qayb ka ah mashaariic horumarineed oo dalkeena ka socda.



British International Investment, ayaa hore maalgalin ugu samaysay mashruuca waddada Berbera-wajaale ee (Berbera Corridor) waxayna saami la leedahay shirkadda gacanta ku haysa dekedda Berbera ee DP World.


Shirka waxa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin sidii ay dawladda UK u maalgashan lahayd kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax soo saarka cunnada Jamhuuriyadda Somaliland.


Wasiirka oo booqasho ku tegay dalka Ingiriiska dabayaaqadii bishii August, ayaa sidoo kale magaalada London kulamo gooni-gooni ah kula qaatay Jaalliyada Somaliland ee Wadanka England ku dhaqan, gaara ahaan ganacsatada, waxaanu ku qaabilay xarunta Safaarada Somaliland ee wadanka ingiriiska.


Kulankan oo uu wasiirka ku wehelinaayay Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka UK, ayaa waxa uu ugu bandhigay fursadaha maalgashi ee waddanka yaalla iyo sidii ganacsatada qurbe-jooga ahi uga faaiidaynlahaayeen, una maalgashan lahaayeen.


Shirkaasi ayey wasiirka iyo ganacsatada ka qaybgashay iskula qaateen in wasaaradda iyo ganacsatada qurba-jooggu iska kaashadaan horumarinta maalgashiga waddanka gudihiisa iyo soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye.

Loading...
Loading...