Amniga Kenya Oo Si Weyn Loo Adkeeyay Xilli La Sugayo Go'aanka Maxkamadda
Maxkamadda ugu sarreysa
dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay soo saarto go’aan ku saabsan dacwaddii
ka dhanka aheyd natiijada doorashada madaxtinimada.
Guddiga doorashada ee
Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashadii bishii
hore ka dhacday dalkaas wuxuu helay 7.1 malyan cod halka siyaasiga caanka ah
Raila Odinga uu helay 6.9 malyan oo cod natiijadaas oo muran badan uu ka
dhashay.
Waxaa si weyn loo
adkeeyay amniga Kenya xilli laga war sugayo go’aanka maxkamadda.
Waxaa la xiray
waddooyinka gala maxkamadda halka albabada la isugu dhuftay iskuullo badan.
Waxaa sidoo kale
ciidamo badan la geeyay deegaannada la isdhihi karo inay rabshado ka dhacaan.
Afar ka tirsan
toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa qaadacay natiijada uu ku dhawaaqay
guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay
ahayd mid mad madow uu ku jiray.
Maxkamadda ugu
sarreysan Kenya ayaa taariikh sameysay doorashadii sanadkii 2017 iyadoo laashay
guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka guuleystay Odinga iyadoo sababta ku
sheegtay in kahladaad ay ka jireen hannaanka doorashada.
Maxkamadda ayaa
xilligaas amartay in doorasho ku celis ah la qabto, balse waxaa diiday in
doorashadaasi ku celiska aheyd in uu ka qeyb galo Raila Odinga.
BBC