Midowga Afrika Oo Ergay Cusub U Magacaabay Soomaaliya
Guddoomiyaha Guddiga
Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef, oo u
dhashay Comoros u magacaabay ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa
howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).
Wixii ka horreeyay magacaabistiisan, wuxuu Ambassador Souef ahaa
Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay
ee Mali (MINUSMA).
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee
Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee
Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur
(UNAMID).
"Isaga oo gudanaya waajibaadkiisa, Danjire Souef wuxuu sii
wadi doonaa xiriirrada dhow oo joogto ah oo uu la yeesho dowladda Federaalka ah
ee Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee Soomaaliyeed ee taageeraya hirgelinta
Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo geeddi-socodyo ballaaran oo
dowlad-dhisidda Soomaaliya" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.
Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa
bishii April ee sanadkan dalka ka eryay wakiikii hore ee Midowga Afrika ee
Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ay u aqoonsatay, isaga oo ku eedeeyay
inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, isla markaana aan dalka laga
rabin.