Gaadhi Qiimihiisu Dhanyahay 300,000$ Oo Laga Xaday London Oo Lagu Qabtay Pakistan

0
Sunday September 04, 2022 - 18:17:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadhi Qiimihiisu Dhanyahay 300,000$ Oo Laga Xaday London Oo Lagu Qabtay Pakistan

    "Saraakiisha ayaa sheegay iney u suurta gashay iney baadi goobaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saraakiisha ayaa sheegay iney u suurta gashay iney baadi goobaan"


Maamulka canshuuraha dalka Pakistan, ayaa sheegay iney magaalada Karachi ku qabteen gaadhi Bentley ah, oo laga soo xadey magaalada London, kadibna la keenay magaalada dekedda leh.

 

Waxey sheegeen iney hay’adaha Ingiriiska ka heleen xog ku saabsan in gaariga (ku dhawaad 300,000$) ku fadhiya la dhigay guri ku yaalla meel suuq ah oo magaalada ah.

 

Saraakiisha ayaa sheegay iney u suurta gashay iney baadi goobaan, maadaama dadkii xaday ay u suuroobi weysay iney qariyaan goobaha laga soo raad raaci karo gaariga.

 

Gaarigu ayaa waxa uu lahaa nambarka diiwaan galinta iyo warqadaha deegaanka.

 

Milkiilaha ayaa sheegay inuu ka iibsaday ruux bixiyay dhammaan aqoonsiyadiisa.

 

BBC


Loading...
Loading...