Dawladnimada Sharciga Iyo Xeerarka Aynu Dhiganay Halagu Ilaaliyo Oo Xadhiga Iyo Xooga Halaga Ilaaliyo.

0
Sunday September 04, 2022 - 10:53:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dawladnimada Sharciga Iyo Xeerarka Aynu Dhiganay Halagu Ilaaliyo Oo Xadhiga Iyo Xooga Halaga Ilaaliyo.

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama


( Doonista kursigu yaanay inoo horseedin fawdo iyo sharci daro, madaxweynaha iyo xukuumadiisuna deg-deg ha uga hawl galaan in dalka doorashooyinku ka qabsoomaan xiliga ugu macquulsan)

 

Dawladnimada dimuqaraadiga ahi  waa heshiis iyo wax wada-lahaansho ummaddi samaysatay waxaana lagu ilaaliyaa xeerarka iyo shuruucda lagu heshiiyey, halka maamulka kalitaliska ah ama ay ciidamadu hogaamiyaan lagu ilaaliyo xoog iyo qori caaradii.

 

Wax walba oo aadame sameysto waa qabyo iyo gol daloolo oo waxa kaliya ee dhameystirani waa kitaabka quraanka ah iyo hadalka Alle swt e , inkasta oo aynu dastuur iyo xeerar aad u wanaagsan sameysanay haddana marwalba kama madhnaan doonto murug ama muran sharci ( constituitional crisis).

 

Waxa aynu sameysanay waa wax inagu cusub oo barashadiisu iyo hirgalintiisu ay ku xidhan tahay ku shaqeyn mudo dheer iyo dhaqangal si uu u noqdo wax sigib tiran oo mad-madaw oo dhami ka baxo , xaga sharcigana waxa la yidhaahdaa " law imbiguity ".

 

Waa halkii uu abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ka lahaa " Xeer iyo dastuurkii loo dejaana kama fulo umad aan dabci aqoon " waxaa uu kuu tilmaamayaa tuduca maansadani in wax waliba barasho u baahan yihiin iyo in la fahmo dabeecadiisa .

 

Dhinaca kale maah-maah baa ahayd ; " Maan rag waa mudacyo afkood " oo wax waliba oo dadka dhex u ah waa lagu kala aragti duwananaanayaa waana la isku qabanayaa oo maaha wax inagu cusub.

 

Ujeedkaygu waxa uu yahay wax aan xal iyo is-faham laga gaadhi karini ma jiro hadii la iska dhaafo danaha gaarka ah iyo ku jiqsiida dhinacyada is hayaa wadaan , waxa uun aan xasuusinayaa dalkani iyo mustaqbalkiisa ha uga tegina dhito iyo taariikh xumo oo waxii hore usoo dhacay wax halaga barto.

 

Maanta waxa taagani hadii aanu aheyn kursiga aan ku fadhiyo gar iyo gardaroba ama kursiga aan ku gaadho sharci iyo sharci daro waa wax fudud oo la dhameyn karo , sida wax loo wadaana is-nac iyo in dadka walaalaha ah la isku dilo ayuun bay natiijadeedu usoo eeg tahay .

 

Xadhiga iyo qoriga caaradiisu xal maaha wax ay sii murgiso mooyaane waxba kuma hagaagaan,  waxa aan soo jeedinayaa in dhamaan dadka u xidhan arimaha siyaasada ooda laga qaado oo uu ugu horeeyo Suldan Cado-Gude.

 

Doonista kursigu yaanay inoo horseedin fawdo iyo sharci daro, madaxweynaha iyo xukuumadiisuna deg-deg ha uga hawl galaan in dalka doorashooyinku ka qabsoomaan xiliga ugu macquulsan , sidoo kale deg-deg ha u hawl galeen gudigii doorashooyinku.

 

Isku soo wada xoori wax walba waxa ka weyn waxii halganka dheer iyo tacabku soo galay in lagu faro-adeygo oo ah qaranimada, wax yeelaynteeda xukuumada iyo mucaaridka midna laga aqbali maayo , ee xayndaabka yaan laga bixin.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...