Macaan-Jecel, Dhurde miyaa? Mise waa Shini?.
Hadii wax macaan Bal
sheeg lagu yidhaahdo yaalaa waxa ugu hereeya ee niyadaada kusoo dhacayaa waa
Malab, Malabku maaha wax la beerto oo Dhulka kasoo baxa, Malabku ma aha wax sida
dhibicda Roobka cirka kasoo da'a, Malabku ma aha wax bada ku dhex jira oo lasoo
jillaabto, Mana aha wax sida macdanta laqoto oo lalasoo baxo, hase yeeshee
Malabku waa shay ama walax ay sameeyaan xansharaad baallay ah sida Shinida iyo
Dhurdaha, Malabku waa wax aad u macaan
oo leh wax tar nafaqo iyo dabiib Daawo intaba, Malabka ugu badan waxa samaysa
Shinida taas oo Shinidu hada noqotay wax sida xoolaha loo dhaqdo wax tarka ay
leedahay awgeed sidaa daraadeed, Shinidu way Duunyo dhaqdiin gashay oo
Goobkasta waxa lagu haystaa Saxaarado edeg iyo xero Shini ah, sidaa aawadeed
sharaxaad badan uma baahna, waayo duunyadii la dhaqan jiray ee la maali jiray
ee Maal-qabeenka lagu ahaa, Shini ayaa kusoo biirtay oo dadkii Maal iyo Malab
Qabeen ayey hada noqdeen.
Hadaba sida Shinida oo
kale waxa Malab sameeya Dhurdaha oo ah xansharaad Shinida u sansaan eeg se aad
uga yar, Dhurde ama sida Dadka qaar u yaqaaniin Dhuun-Yaale, inkastoo
Dhuun-Yaale yahay Dhurdaha, Malabkiisa iyo dhalaankiisu markay isku dhafan
yihiin ayaa Dhuun-Yaale laysku yidhaahdaa, halka malabka Dhurdaha SUR ama Surta
layidhaa, malabka dhurduhu sameeyaa wuu ka xadi yaryahay ka shinida, markaa
Dhuun yaaluhu wuxuu u kala baxaa SUR ama Surta oo Malab bisil oo Midab Bunni
aan Dukhul ahayn ah, iyo Malab huruudi ama jaale ah oo ah Malab aan SUR noqon
ama bislayn iyo qayb saddexaad oo ah Ugxan iyo dhalaankiisa,
Dhurdaha waxa laga
helaa oo uu malabka ku sameeyaa jirridaha dhirta ha u badnaadeen dhirta aan
Biixida ahayn ee geed Quwaaxa ah, Dhuun-Yaalaha marka la jabsado Surta ayaa
lacunaa oo lala baxaa, dhasha iyo ugxanta lama taabto, hase yeeshee ruuxa aan
garanahay wuu wada fujistaa oo wuu wada CUNAA ilaa ugxanta!.
Dhanka kale waxa jirta
cayayaan la yidhaahdo Macaan-Jecel oo ah nooc ka mid ah Qudhaanjada, oo midabkeedu
yahay dahabi, waa qudhaanjo aad uga weyn Cawo-guda kana Midab khafiifsan, uma
socoto xoon sida cawaguda, se tiro Door ah ayey ugusoo uruurtaa mesha ay macaan
ka dhadhamiyaan, Macaan-Jeceltu ma samayso wax macaan oo laga dheefo sida
Shinida iyo Dhurdaha, se iyada ayaa Macaan-Jecel oo dhadhamo raac ah!,
Waxa Hadaba
Macaan-Jecel la Hal ah Xukuumada Somaliland ee shacabkii Reer Somaliland ee
Suuq weynihii Waaheen dabkii qabsaday ku Tabaaloobay ee halkii Shacabka
hantidoodii moodka ahayd iyo nolol maalmoodkoodii kaga shuf-beeshay masiibadii
dabka ahayd ee qabsaday Suuqii Waaheen, halkii ay gaadhsiin lahaayeen shacabkaa
tabaaloobay wixii loogu yaboohay, waxna ugu dari lahaayeen, ama ay waraysan
lahaayeen waxa ay u qabtaan ee ay iga uga baahan yihiin, ayey Xukuumadii Gudi
magacaabtay aanay waxba Kala tashan Dadka tabaaloobay, dadkaa oo iyagu suuqa
Waaheen ahaan gudiyo dhawr ah lahaa, Suuqa Waaheen marka laga reebo Sariibada
ama Kawaanka, suuqa Waaheen wuxuu ahaa Dhul Hanti Shacab tiro badani ay gaar u lahaayeen,
oo aan ahayn goob mulkiilayaal dhawr ahi lahaayeen, sidaa aawadeed waxa
haboonayn in shacabka mulkiilayaasha Dhulka suuqa Waaheen ahaa la waraysto waxa
ay Dhulka hantidooda ah ay kayeelayaan,
iyo waxa qorshe ah oo u meel yaala, sidoo kale Dadku isku jeeb may ahayn oo
togba taagtiis ayuu rogmadaaye, in laga afti qaado ay haboonayd, intaanay
dadkan Riyada ku noolka ah ee nashqadaha iska dabacday aanay go'aanka iska
gaadhin, iyaga Wuxuun baan leeyahay Waar
yaadhaheen Londhon habeen laguma dhisin!, iyo suuqyada Yurub!,
Hadal iyo dhamaan
Dadkan Macaan-Jecelta ah ee malafriga ku mammay ee Qalbi didibka ah ee aan
dareemahayn duruufaha Dadka ku gaddaaman, ee dabkii loo raaciyey xayiraad laga
xayiray inay waxooda yabyabtaan, waar dadku waa shacabkii dalka oo camiran ka
qaxay ee wax kale iskadaa, ee isagoo ilaa qasabadihii Biyaha ilaa kuwii
suuliyaasha la qotay ee lala baxay soo noqday, ee Eber kasoo bilaabay ee maanta
Dalka la moodin in weligii wax gaadhin wax qabsiga shacabka Jamhuuriyada
barakaysan awgeed, waa shacab hawlkar ah oo wax qabad leh oo Shini iyo Dhurde
ka shaqo badan oo ka waxtar badane Xukuumadu ha garab gasho, oo ha
waydiiso rayi, fikir iyo xog wixii
hantiilayda u meel yaala, ee yaanay ku noqon Macaan-Jecel waxba tarin oo
iyaguun dheeftooda soo daba mallafsi raacda oo dabo roortaysa uun aduunkii
loogu yaboohay.
Uma Dhise ee ka
Dhistow, Naar lagu Dhaab eebe kaa Dhig.
Fu’ad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!