Guddoomiye Aadan Madoobe oo Soomaalida Koonfur Afrika kala hadlay dilalka loo geysto

0
Sunday September 04, 2022 - 10:12:43 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Aadan Madoobe oo Soomaalida Koonfur Afrika kala hadlay dilalka loo geysto

    "Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo


Guddoomiyaha Golaha ShacabkaSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.


 

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalka Koonfur Afrika uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.



 

"Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idiinla kulmo ganacsatada ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.


 

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyerd & Ganacsatada ayaa Guddoomiyaha siiyay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka dilalka ah ee loo geysto Soomaalida, iyaga oo ugu baaqay in dowladda Soomaaliya ay waxka qabashada dilalka kala hadasho dowladda Koonfur Afrika.


 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Loading...
Loading...