Waxyeellada Daadadka Pakistan Ku Dhuftay Oo Isa Soo Taraya
Wasiir ka tirsan xukuumadda Pakistan ayaa sheegay in
daadadka ba’an ee ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalkaasi ka da’ ay
yihiin musiibadii ugu xumayd ee is beddelka cimiladu uu sababu.
Wasiirka oo lagu magacaabo, Ahsan Iqbal, ayaa
sheegay in soddon iyo saddex milyan oo qof ay dadadku saameeyen in ka badan hal
milyan oo gurina ay waxyeelo soo gaartay.
Ugu yaraan labo kun labo boqol iyo konton qof ayaa
ku dhintay guudahaan dalka Pakistan. Wasiir Iqbal ayaa sheegay in Pakistan
aysan haysan dhaqaale ay wax kaga qabato dhibaatada. Saraakiisha mid ka mid ah
meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday - degmada koonfurta ee Daadu -
ayaa sheegay in rubac milyan qof oo kale ay hadda halis ugu jiraan heerka
biyaha oo sare u kacaya.
Hay'adaha gargaarka ayaa ka digaya cudurro ka dhasha
deegaannada daadadku halakeeyeen. Sidoo kale dadka ku barakacay fatahaadaha ayaan
haysan hooy iyo cunto ku filan.
BBC