Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Jeelka Wayn Ee Hargaysa Ku Booqday Maxamed Sadiiq Dhamme Iyo Wariye Coldoon.

0
Sunday June 09, 2019 - 15:42:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2758
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Jeelka Wayn Ee Hargaysa Ku Booqday Maxamed Sadiiq Dhamme Iyo Wariye Coldoon.

    Xisbiga Waddani Oo Ayaan Darro Ku Tilmaamay In Dadka Ay Xukuumadu Iska Xidh Xidho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Ayaan Darro Ku Tilmaamay In Dadka Ay Xukuumadu Iska Xidh Xidho.

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo ay weheliyaan xoghayaha duulista iyo Hawada Nuuradiin Diini iyo Aftax Jaambiir oo ah Xoghayaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani  ayaa xabsiga ku booqday gudoomiyiihii dhalinyarada ee xisbiga waddani Maxamed Sadiiq Dhame  iyo Saxafi Cabdi Maalik Muuse Caldoon oo labaduba ku xidhan jeelka Wayn ee Magaalad Haragsya .



Xoghaye Khadar ayaa ayaan daro ku tilmaamay xadhiga labadan masuul isagoo sheegay in nidaamka dadka la iska xidh xidho la yaqaan halka uu ku dambeeyo "Waxaa ayaan daro ah in Maxamed Sadiiq Dhame oo ah gudoomiyihii dhalinyarada ee Xisbiga Waddani uu uxidhan yahay arin siyaasi ah muddo gaadhaysa afartan maalmood, afartankaa maalmoodna ilaa hada maxkamad lama keenin, waana ayaan darooyinka waddankeena ka taagan in xadhigii iska fududaaday” ayuu yidhi.

 

Xoghayaha oo hadalka sii wada ayaa yidhi  "waxaa meesha (Jeelka Wayn)  ku xidhan dad badan inta la arkaayo ee muuqatana  waxaa ka badan intaan loo hadlayn ee iyaguna sidaasi oo kale dulmiga ugu xidhan, dulmiguna meel ma fadhiisto ee ummadaha wuu burburiyaa, markaa in aynaan isdulmin ayaa wanaagsan, xukuumadana waxaan usheegayaa in dariiqaa aynu haynaa in la yaqaan halka uu ku dambeeyo”.


Xoghaye Khadar ayaa sheegay in nidaamka  ah in dadka la iska xidhxidhaa uu yahay nidaam la yaqaan halka uu ku dambeeyo isagoo tusaalana usoo qaatay Madaxwaynihii kilidhka Somalida Itoobiya Cabdi Cumar iyo Halkii uu ku dambeeyay.

 

Dhinaca kale waxa uu xoghayuhu sheegay in qaabkii loo soo xidhay wariye Cabdimaali Muuse Coldoon uu ahaa qaab qaldan  oo sharciga dalka baal marsan "waxaasi oo dhami waxay ina tusayaan sharci jabin badheedh ah oo indha la’ ” ayuu yidhi xoghaye Khadar oo la hadlay Horncabletv.


Gabagabadiina masuuliyiintan ka socday xisbiga waddani ee booqday jeelka wayn ee Hargaysa ayaa ammaan usoo jeediyay ciidamada asluubta ee ilaaliya maxaabiista kuwaasi oo ay sheegeen in ay siwanaagsan ula dhaqmaan dadka ku xidhan jeelka.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

 

 

 

Loading...
Loading...