Dawlada Soomaaliya Oo Warbixin Ka Dhan Ah Kenya U Gudbisay Qaramada Midoobay

0
Friday March 08, 2019 - 18:03:32 in News by
  • Visits: 2082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Warbixin Ka Dhan Ah Kenya U Gudbisay Qaramada Midoobay

    Dawlada Soomaaliya Oo Warbixin Ka Dhan Ah Kenya U Gudbisay Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Warbixin Ka Dhan Ah Kenya U Gudbisay Qaramada Midoobay

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay u gudbisay warbixin ku saabsan muranka xuduuda bada ee u dhaxaysa wadamada Soomaaliya Iyo Kenya.

Qoraal ay dawlada soomaaliya u gudbisay guddida joogtada ah ee qaramada midoobay oo warbaahinta heshay ayaa lagu sheegay in Kenya ay wadamada caalamka u gudbinayso warar ka dhan ah hab dhaqanka dawlada soomaaliya ee ku saabsan muranka xuduuda bada ee u dhaxeeya labada dal.



Qoraalka dawlada soomaaliya u gudbisay guddida joogtada ah ee qaramada midoobay ayaa la sheegay inuu jawaab u yahay warbixin ku saabsan muranka bada ee u dhaxeeya soomaaliya u gudbisay midawga Afrika, qaramada midoobay iyo golaha amaanka.

Qoraalka ka soo baxay dawlada soomaaliya ayaa lagu yidhi "Kenya waxay si aan sax ahayn u sheegtay in soomaaliya ay iibinayso xidhmooyin shiidaal ah oo ku yaala dhul badeedka lagu muransan yahay, Kenya ayaana sheegashada aan saxda ahayn u gudbisay dalalka iyo ururada caalamiga ah 22/02/2019.”

Sidoo kale qoraalka soomaaliya ayaa intaas raaaciyey "Soomaaliya waxay Kenya u 25/02/2019 qoraal ay ku xaqiijinayso inaanay iibinayn isla markaana aanay iibin doonin xidhmooyin shiidaal ah oo ku yaala dhul badeedka lagu muransan yahay, kiiska soomaaliya iyo Kenya ee muranka badu waxa uu horyaala maxkamada caalamiga ah ee cadaalada waxaana mar kale la dhagaysan doonaa 20/08/ 2019 iyada oo go’aankuna uu soo bixi doono sanadka 2020.”

Loading...
Loading...