Tayada Dawooyinka Lagu Iibiyo Somaliland Oo Laga Dayriyay
Hargaysa (HWN) Xisbiga
Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka dayriyay tayada Dawooyinka la geeyo
Somaliland.
Waxaanu xisbiga sheegay
in aanay jirin meel lagu kaantaroolo tayadooda dawooyinka iyo sharci xukuumadeed
uu uyaala toona.
Xoghayaha arimaha
Bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa
qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo arinka dawooyinka ku yidhi sidan:-
"Dawada loo iib
keeno Somaliland malaha tayo dhaba, mana jiro nidaam tayo hubineed (Quality
Control) Pharmacey kastaa wuxuu bukaanka u buuxiyaa bac, waxaana lagu bixiyaa
Dawada warqad la’aan (Prescription) Ganacsatada Dawada keenta ma jiro sharci
iyo qiyam Dawladnimo lagu xakameeyo, Shacabkana lagu dhawro noloshooda iyo
nafahooda! masiibada u weyni waa in bukaanka loo qoro Dawo badan si looga
sameeyo lacag iyo macaash !" Maxamed Sadiiq Dhamme