Muuse Oo Dib Ugu Soo Celiyay G. Wakiilada Xubnihii Ay Hore Udiideen Inay Kamid Noqdaan Gudida Doorashada

0
Saturday September 03, 2022 - 19:44:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Oo Dib Ugu Soo Celiyay G. Wakiilada Xubnihii Ay Hore Udiideen Inay Kamid Noqdaan Gudida Doorashada

    "Muuse Xasan Yuusuf oo ka soo jeeda bariga Burco Isla markaana Muuse Biixi la doonayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Xasan Yuusuf oo ka soo jeeda bariga Burco Isla markaana Muuse Biixi la doonayo"



Hargaysa (HWN) Muuse Biixi ayaa markale golaha wakiilada u soo gudbiyey sadexdii xubnood ee ay hore uga diideen inay ka mid noqdaan guddida doorashooyinka qaranka.

 

Xildhibaanada Habarjeclo ayey wararku sheegayaan inay hada ku qasban yihiin inay u codeeyaan xubintii ay hore u diideen ee deegaankooda ka soo jeeday maadaama oo hada ay isku aragti ka qabaan Muuse Iyo Maxamuud Xaashi oo saamayn ku leh go'aanada ay gaadhaan xildhibaanadani.

 

Muuse Xasan Yuusuf oo ka soo jeeda bariga Burco Isla markaana Muuse Biixi la doonayo gudoomiyaha komishanka ayaana rajaynaya in la ansixin doono.

 

sidoo kale Axmed Cismaan Xasan oo ka soo jeeda Boorama oo hore loo diiday ayaa markale madaxweynuhu ku soo celiyey golaha wakiilada, halka Axmed Yuusuf Maxamed oo ka soo jeeda bariga Sanaag oo aan la hubin in golaha guurtidu dib u soo magacaabay diidistii hore ee wakiilada ka dib ayuu Muuse Biixi u soo gudbiyey golaha wakiilada.

 

waxa la dhawrayaa go'aanka ay markale ka gaadhaan golaha wakiiladu xubnahan  ka mid noqonaya guddida doorashooyinka


Loading...
Loading...