Mareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka careysiisay Shiinaha

0
Saturday September 03, 2022 - 10:17:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo qaaday tallaabo kale oo ka careysiisay Shiinaha

    Heshiiska hubka waxaa ka mid ah, nidaamka raadaarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska hubka waxaa ka mid ah, nidaamka raadaarka




Mareykanka ayaa ogolaaday inuu Taiwan ka iibiyo hub ku kacaya 1.1 bilyan oo doolar , taasoo ka careysiisay Shiinaha.


 

Heshiiska hubka waxaa ka mid ah, nidaamka raadaarka si loola socdo weerarrada soo socda iyo aaladaha ka hortagga gantaallada laga soo rido maraakiibta.



 

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay bishii hore noqotay mas'uulkii ugu sareeyay ee Mareykanka muddo 25 sano ah oo booqda Taipei.


 

Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka noqdo heshiiska haddii kale uu wajihi doono "tallaabooyin liddi ku ah".


 

Afhayeen Liu Pengyu ayaa sheegay in heshiiska uu "si weyn u carqaladeynayo” xiriirka Washington iyo Beijing.

 

"Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka sharciga ah," ayuu raaciyay.


 

Iibka hubka ee Maraykanka ee lagu heshiiyey Jimcihii ayaa weli u baahan in uu u codeeyo Kongareeska Maraykanka ee aadka u taageersan Taiwan.


 

Xirmadan hubka ayaa waxaa ku jira nidaamka digniinta raadaarka oo uu ku baxayo kharash dhan 655 malyan oo doolar oo loogu talagalay 60 gantaal oo ah nooca loo yaqaan Harpoon, kuwaas oo awood u leh inay dejiyaan maraakiibta.


 

Waxaa sidoo kale ka mid ahnidaamka Sidewinder ee ka hortaga gantaalada inta ay hawada ku jiraan kaas oo ay ku baxayso kaas oo ay ku baxayso lacag dhan 85.6 malyan oo doolar, sida ay sheegtay Hay'adda Iskaashiga Amniga Difaaca ee Pentagon-ka.


Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in heshiisku uu "muhiim u yahay ammaanka Taiwan", wuxuuna ugu baaqay Beijing "inay joojiso cadaadiska militariga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha ee ka dhanka ah Taiwan, taa beddelkeedana ay la gasho wadahadal dhab ah leh".


 

Warbaahinta Shiinaha oo soo xiganaysa ilo rasmi ah, ayaa ku warrantay in ciidamada dalkaas ay hadda si joogto ah dhoolatus milateri uga sameynayaan dhinaca marin-biyoodka "Taiwan", taasoo waagii hore loo aqbalay xudduud-badeed aan rasmi ahayn oo u dhexeysa Taiwan iyo dhulweynaha Shiinaha. Si rasmi ah, meelna uguma cadda arrintaas, sidaas darteed Shiinuhu wuu ka soo horjeedaa xudduuddaas.


 

Telefishinka dowladda Shiinaha ayaa isna bilowgii bishaan Ogosto sheegay in dhoolatuska si joogto ah loogu qaban doono aaggaas. Wuxuu marin-biyoodka ku tilmaamay khad khayaali ah oo la allifay qarnigii hore, iyada oo la tixgelinayo baahida dagaalka ee ciidamada Maraykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.


 

Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.


 

Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah - madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba.


 

Waxaa jira khilaaf iyo jahawareer ku saabsan waxa ay tahay Taiwan.Waxay leedahay dastuur u gaar ah, hoggaamiyeyaal si dimoqraadi ah loo soo doortay, iyo ilaa 300,000 oo askar shaqaynaysa ah oo ka tirsan ciidamadeeda qalabka-sida.


bbc/somali

Loading...
Loading...