"Waxaa sharciya Marka Liisanku Xisbiyadda ka Dhoco in Doorashada Ururada Siyaasadda la Qabto." Xildhibaan Liimo

0
Saturday September 03, 2022 - 09:51:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaa sharciya Marka Liisanku Xisbiyadda ka Dhoco in Doorashada Ururada Siyaasadda la Qabto." Xildhibaan Liimo

    Xildhibaanka oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka oo Arimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi


Xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin sharciyad muddo kordhin loogu samayn karo Saddexda Xisbi ee muddo xileedkoodu dhamaanayo.


 

Maxamed Cismaan ayaatilmaamay in muddo in Sadex bilood ahi ay ka hadhsan tahay muddo xileedkii tobanka sano ee ay liisanka u haysteen Saddexda Xisbi ee Kulmiye Waddani iyo UCID,waxaanu intaa ku daray in ay sharci tahay Saddexda ee ka soo baxa Doorashada Ururada Siyaasada in ay galaan doorashada Madaxtooyadda.



 

Xildhibaanka ooArimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi”Way ka dheregsan yihiin shacabka Somaliland in muddo xileedkii tobanka sano eeSaddexda xisbi in ay gabaabsi tahay oo Saddex bilood wax ka yari u hadheen,waxa kale oo muddo wax yari ka hadheen Muddo xileedkii Madaxweynaha.


waana su,aal meesha taalla in mar la wada qaban karo labada doorasho ee Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda, labadan doorasho lama mid ah Doorashadii Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka ee mar la wada qabtay.


waa in midi soo horrayso labadan Doorasho ee Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda,waxaana sharciya marka uu ka dhaco liisanka tobanka sano ee Xisbiyadda in Doorashada Ururada Siyaasada la qabto oo saddexda xisbi ee soo baxaa ay galaan Doorashada Madaxtooyadda,”.


 

Xildhibaanka ayaa intaa raaciyay in aanay Goleyaasha qaranku muddo kordhin u samayn karin Saddex Xisbi.Waxaanu yidhi”Iima muuqato waddo Goleyaasha Qaranku muddo kordhin ugu samayn karaan Xisbiyadda marka ay ka dhamaato toban kii sano ee liisanka ay u haysteen,qodobka 83aad ee Dastuurka waxa ku cad muddo kordhinta Madaxweynaha loo samaynayo haddii ay dhici waydo Doorashada Madaxweynuhu.


Golaha Wakiilada umasamayn karo muddo kordhin Xisbiyadda Madaxweynuhuna uma samayn karo,markaa iima muuqato qaab macquula iyo suurtagalnimada in Golaha Wakiilada ku abuuri karo ama ku sameeyo xeer suurtagal ka dhigaya in la qabto doorasho isku sidkan.taasina sharci maaha mana shaqaynayso muwaadinka Somaliland waxa uu leeyahay xuquuqo aasaaasiya.


cidina kama qaadi karto oo ma duudsiyi karto,waxaana ka mida xuquuqaha muwaadinku leeyahay qodobka 22aad ee Dastuurku siiyay in muwaadiniinta Somaliland ay ka qayb gali karaan Siyaasada dalka,”.

 

 

Loading...
Loading...