Xagay Martaa Lacagta Ka Soo Xaroota Dalxiiska LAASGEEL?

0
Friday September 02, 2022 - 11:07:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagay Martaa Lacagta Ka Soo Xaroota Dalxiiska LAASGEEL?

    "dadka Deegaanka dhaqaalaha Dalxiiska laguma celiyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dadka Deegaanka dhaqaalaha Dalxiiska laguma celiyo"


Hargaysa (HWN) Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah xoghayaha arrimaha bulshada Xisbiga Waddani ayaa sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda Laasgeel oo ah Goob dalxiisku dadku utagaan aanay waxba kaga soo noqon dadka deegaanka laasgeel ku nool.



Xoghayaha ayaa qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo Laasgeel sidoo kale ku sheegay xadiga lacageed ee Calaa qof laga qaado dadka dalxiiska utaga LAASGEEL.


"LAASGEEL waa il dhaqaale qarsoon, maalin kasta waxa laga qaadaa Ajaanibka Dalxiisayaasha ah ee bookhda $25 qofka, dadka muwaadiniinta ahna $10 qofka, waxa ka shaqeeya laba waashmaan. LAASGEEL waxa looga leexdaa dhubato waxaana la maraa jid 5 KM oo raf ah, dadka Deegaanka dhaqaalaha Dalxiiska laguma celiyo, kamana jiraan adeegyada aasaasiga ah ee ah Biyo, Caafimaad, Waxbarasho, Deegaanka waa in wax lagu celiyaa !” ayuu yidhi Xoghaye Maxamed Sidiiq.


Loading...
Loading...