Dawlada Ingiriisku Maxay Ka Tidhi Banaan Bixii Ka Dhacay Somaliland

0
Friday September 02, 2022 - 10:16:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ingiriisku Maxay Ka Tidhi Banaan Bixii Ka Dhacay Somaliland

    "Waxaanay ku baaqeen in lagu soo noqdo wadadii sharciga iyo doorashada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanay ku baaqeen in lagu soo noqdo wadadii sharciga iyo doorashada"


Hargaysa (HWN) Bushaaro Baandayayaa sheegtay in Dawlada Ingiriisku ay taageersantahay banaan bixii nabadgelyo ee ka dhacay Somaliland.

 

Bushaaro ayaa intaasi ku dartay in dawlada Ingiriisku uga soo jawaabtay waraaq ay udirtay oo ay dawlada kula socod siinaysay tacadiyada Somaliland kadhaca.

Waxaanay Bushaaro qoraalka jawaabta ay dawlada Ingiriisku ugu soo jawabtay ay kutidhi:-

 

Waxa maanta iiga soo jawaabay Warqad aan hore ugu diray Mr Kwasi Kwarteng oo ah Xildhibaankayga baarlamaanka ingiriiska ee igu metela xaafadayda Ahna wasiir ka tirsan dawlada haatan ee uu hogaaminayo Raysal wasaare Boris Johnson



Wuxuu iiga mahadceliyey sidaan ula soo socod siiyay xiisada siyaasadeed ee Dalka iyo xadgudubka iyo dilka Xukuumadu ku hayso shacabka Aan hubaysnayn


Wuxuu si adag usheegay inay Dawlada ingiriisku taageersan tahay banaanbaxa Nabad gelyada ah ee shacabkuna xaq u leeyahay


Wuxuu Intaa ku daray in Dawlada ingiriisku ka dalbatay Xukuumada Somaliland inay si Degdeg ah ubaadhaan xadgudubkii iyo dilalkii ka dhacay Bishii June Magaalada hargaysa


Wuxu yidhi wasiirku Dawlada ingiriiska oo kaashanaysa beesha Caalamku Waxay kasoo saareen digniin adag oo ka turjumaysa werwerka ay ka qabaan xaalada Somaliland ee kasii daraysa iyo sida sharciga Loogu tumanayo


Waxaanay ku baaqeen in lagu soo noqdo wadadii sharciga iyo doorashada

Wuxuu Intaa ku daray in dawlada ingiriiska udirtay somaliland saraakiil sarsare oo la kulmay Labada dhinac mucaaradka iyo Dawlada.


Wuxuu ku soo gabagabeeyey inay aad uga xunyihiin in dhibaatayntii shacabka iyo dilalkiiba ay kusii fideen bishii sideedaad magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo

Wuxuu ku daray in Lizzie Walker oo ah masuulka ingiriiska u fadhiya hargaysa ay iyana ku baaqday inay Xukuumadu kusoo noqoto miiska wadahadalka iyo sharci Dalka u yaala lana kulanto mucaaradka.”

Loading...
Loading...