Diyaaradda Emirates Oo Hakisay Duulimaadyada Mid Kamida Wadamada Africa

0
Friday September 02, 2022 - 09:26:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Emirates Oo Hakisay Duulimaadyada Mid Kamida Wadamada Africa

    "Dowladda Nigeria ayaa lagu leeyahay $8 milyan oo ay ka heshay iibka tigidhada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladda Nigeria ayaa lagu leeyahay $8 milyan oo ay ka heshay iibka tigidhada"



Diyaaradda Emirates Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay iyo kuwii ka imaan jiray Nigeria muddo 10 maalmood ah oo ka bilaabaneysa khamiistii shalay.

 

Emirates oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay dib u soo ceshato lacagtaas oo laga keenay dalka ku yaalla galbeedka Afrika.

 

Duulimaadkii ugu dambeeyay ee Emirates ayaa ka ambabaxday Lagos 2 duhurnimo Arbacadii ee Galbeedka Afrika.

 

Shirkaddu waxay sheegtay in rakaabkii la qaadi laha 10-kaas maalmood ay dib u dhigan karaan socdaalkoda markale ama ay burin karaan qorshahooda.

 

Tallaabadaas ka hor, shirkaddu waxay hoos u dhigtay tirada duullimaadyadeeda Nigeria oo hore u ahaan jirtay 11 illaa 7 toddobaad kasta. Waxay hore uga dhawaajisay inay joojinayso adeegyadeeda laga bilaabo Sebtembar 1 si loo yareeyo khasaaraha dheeraadka ah iyo saamaynta kharashaadka hawlgalkayaga.

 

Dowladda Nigeria ayaa lagu leeyahay $8 milyan oo ay ka heshay iibka tigidhada.

 

Toddobaadkii hore, Bangiga Dhexe ee Nigeria wuxuu usii daayay $265 milyan oo doolar shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala dalkaas si looga hortago dhibaatooyinka ka jira waaxda duulista.

 

Doolar yarida jirta ayaa keentay in bangigu ku adkaato bixinta deynta.

 

British Airways ayaa sidoo kale hoos u dhigtay duulimaadyadeeda sababtoo ah waxay ku guuldareysatay inay soo celiso lacagaha.

 

Shirkadda diyaaradaha ee Mareykanka ee Delta ayaa sidoo kale joojisay duulimaadkeedii ay ku tagi jirtay dalka ku yaalla Galbeedka Afrika sababo la xiriira dalabaadka oo hooseeya.

 

 

BBC

 

 


Loading...
Loading...